Kamarad Lagu Arki Karo Gudaha Jidhka Bini'aadamka Oo La Soo Saaray

0
Tuesday September 05, 2017 - 09:50:04 in by Burco Office
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kamarad Lagu Arki Karo Gudaha Jidhka Bini'aadamka Oo La Soo Saaray

    Kamarad Lagu Arki Karo Gudaha Jidhka Bini'aadamka Oo La Soo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kamarad Lagu Arki Karo Gudaha Jidhka Bini'aadamka Oo La Soo Saaray

Seeynisyahano ayaa soo saaray qalab cusub oo kaamiro ah taasi oo lagu arki karo waxa ku jira gudaha jirka bini’daamka, waxaana loogu talogalay in loo isticmaalo sababo caafimaad.


Kaamiradan ayaa waxaa lagu rakibay illeysyo iyo diirado sahlaya in la arko gudaha ubucda bini’aadamka.

Wixii hadda ka horeeyay, shaqaalaha caafimaadka ayaa adeegsan jirey sheeybaaro iyo raajo qaali ah si ay u darsaan gudaha qofka jirkiisa waxa ku dhacay ama ka jira marka la baarayo caafimaadka qofka.

Prof. Kev Dhaliwal oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh ayaa sheegay in qalabkan uu leeyahay faa’iidooyin aad u badan, waxayna bahda caafimaadka ka caawin doontaa in ay si sax ah u daweeyaan xanuuno badan.

Unugyada Jirka

Kaamirada cusubLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionKaamirada cusub

Tijaabooyin horay loo sameeyay ayaa muujinayay in illeyska kaamiradan uu ka dusi karo illaa 20cm oo nudayaasha jirka ah si loo arki karo waxa gadaashooda ah.

Waxa uu mashruucan kaamirada lagu soo saaray qeyb ka yahay mid la doonayo in lagu soo saaro qalab kala duwan oo xagga caafimaadka loo adeegsado si daweynta dadka ay u noqoto mid ka sahlan sidii hore.