Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Si Kulul U Weeraray Dadka U Doodaya Cabdikariin Qalbi Dhagax

0
Tuesday September 05, 2017 - 09:55:21 in by Burco Office
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Si Kulul U Weeraray Dadka U Doodaya Cabdikariin Qalbi Dhagax

    Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Si Kulul U Weeraray Dadka U Doodaya Cabdikariin Qalbi Dhagax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Si Kulul U Weeraray Dadka U Doodaya Cabdikariin Qalbi Dhagax

Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadley xaaladda ka dhalatey qabashadii Cabdikariim Sheekh Muuse waxaana uu hadalkiisa ka bilaabay in la iswaydiiyo cidda uu yahay Cabdikariin. Cabdi Maxamed CUmar ayaa sheegay in Qalbidhagax yahay nin udhasay DDSI islamarkaana ahaa booliskii ugu horeeyay ee deegaanka kililka shanaad falal denbina ka galay deegaankaas sidaasna ku galay duurka, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray inuu qalbi dhagax xasuuq ba’an ka gaystay gobolada doollo, qoraxey, jarar iyo shabeele islamarkaana ay arrintuusu u taalo tastuurka iyo mas’uuliyiinta dalka.


Dhanka kale madaxwaynaha ayaa ka hadlay dadka siyaabaha looga hadlaya arrinka Qalbi dhagax isagoo sheegay inay wataan dano qarsoon oo usocda meelo kale rabaana inay soo celiyaan, wuxuuna ku tilmaamey qolada kacdoonka wada in ay doonayaan in al-Shabaab ay ku soo noqdaan Muqdisho, qaar kale ayaa ku raadinaya arrinta Qalbi Dhagax in ay ku gaaraan kursi ayuu yidhi.