Duufaanta Irma Ee Xawaaraha Sare Ku Socota Oo Gaadhay Dalka Cuba

0
Sunday September 10, 2017 - 08:45:31 in by Burco Office
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaanta Irma Ee Xawaaraha Sare Ku Socota Oo Gaadhay Dalka Cuba

    Duufaanta Irma Ee Xawaaraha Sare Ku Socota Oo Gaadhay Dalka Cuba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duufaanta Irma Ee Xawaaraha Sare Ku Socota Oo Gaadhay Dalka Cuba

Duufaanta Irma oo xawaare sare ku socota ayaa soo gaadhay dalka Cuba kaddib markii ay burbur lixaad leh ka soo gaysatay guud jasiiradaha Caribbean-ka.


Xilligan la joogo duufaanta Irma oo wadata dabeylo culus iyo roob mahiigaan ah ayaa fara kulul ku haysa dalka Cuba, xilli ay duufaantu ka soo gudbayso waqooyiga jasiiraddaasi kaddib markii ay burbur ba’an ka soo gaysatay jasiiradaha Caribbean-ka.

Duufaantan oo heerkeeda lagu qiyaasay heerka 5-aad ayaa soo cagadhigatay deegaanka Camaguey Archipelago, ee xeebta waqooyi bari ee dalkaasi.

Hasayeeshee Jasiiradda Bahamas ayaanay inta badan wax yeelo gaarin kaddib markii ay duufaantu ka yara weecatay.

Mas’uuliyiinta gobolka Florida ee waddanka Mareykanka ayaa haatan waxa ay u sheegeen 5.6 milyan oo qof inay isaga tagaan guryahooda maadaama ay halkaas ku soo wajahan tahay duufaanta Irma, tiradan ayaa ah afar meelood oo meel dadka ku nool gobolkaasi.

Dadka ku nool koonfurta Florida iyo kuwa ku nool dhulka ka fog xeebaha ee guryihiisa aanay wanaagsanayn ayaa loo sheegay inay aadaan goobaha ammaanka ah.

Kooxaha saadaasha hawada ayaa saadaaliyay in duufaantu ay soo xoogaysan doonto ka hor inta aanay halkaasi ku dhufan wax ka yar 24 saacadood.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la og yahay in ilaa iyo haatan ay duufaantu ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka.