
Dowlada hoose oo xafada goljano ka samaynaysa jidkii ugu horeyey ee lami ah ee xafdaasi yelato+mudona u qabtay dadka wadoyinka dhistay
Maayarka caasimada hargaysa mudane c/raxman (soltelco) oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada hargaysa ayaa saaka aroortii hore hawl gal balaadhan ka sameeyey xaafada goljane ee magalada hargaysa taas oo ay ka samaynaayeen wadadii ugu horaysay ee ayyeelan doonto xaafaadda goljano oo ka tirsan deg, 26 june ee caasimada hargaysa
Wadadan laamiga ah ee ay yeelan
doonto xaafada goljano ayaa waxay ku xidhmaysaxaafada xaafada daami oo ka mid ah 26 june ee magalada hargaysa
Maayarka caasimada hargaysa mudane cabdiraxman maxamuud caydiid soltelco oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in hawl galkani uu yahay kii ugu balaadhnaa ee xaafada goljano ay dawlada hoose ee caasimada hargaysa ay ka fuliyo isla markaana ay noqon doonto wadadii ugu horaysay ee laami ah ee laga hirgaliyo Xaafadan oo wax badan dhibaato ku qabay wado la,aan xaafada Goljano ka jirtay maayarka waxa hadaladiisii ka mid ahaa "Hore waxaa loo odhan jiray Goljano Waddo looma samayn karo ee waxaanu doonaynaa in Goljano wadaddii kowaad u samayo, wadadaasi ay ka soo biibanto akaadamiga agteeda,soona dhex metro xisbiga dhexdiisa ,ilaa cabaaye mari doonta kuna xidhimi doonta xaafada daami, wadadda Goljano waxa ku yaalay dayrar sharci daro ah iyo sandaqaddo kuwaas oo markii loo digay laga dumiyey” Ayuu yidhi maayarka caasimada hargaysa
Maayarka ayaa sidoo kale waxa uu
sheegay in wadadani tahay laba kilomitir iyo siyaado taas oo lagu dhisaayo
mashruuca dawlada hoose ee JPLG-ga loo yaqaan kaasioo ku bixi doonto kharash ah
laba boqol iyo dheeraad doller ah
Maayarka caasimada hargaysa ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in wixii bisha Ramadan ka danbeeya aanay jiri doonin dayrarka iyo sandayadaha sharci darada ah ee magalada ka dhisan isaga oo dadweynahana mudo kooban u qabtay inay qaab sharci ah raacaann isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi "run ahaantii waxaan leeyahay todoba cisho ee Ramadan ka hadhay ayaa ka hadhay dayrar dharci darada ah iyo sandaqadaha wadoyinka lagu dhisay,xaafadda aanu doono ayaanu ka bilaabaynaa ee yaan hadhow la odhan layma sheegin,waana joogteyn dooaa”

Contact@afkashacabka.com
Dowlada hoose oo xafada goljano ka samaynaysa jidkii ugu horeyey ee lami ah ee xafdaasi yelato+mudona u qabtay dadka wadoyinka dhistay
Dowlada hoose oo xafada goljano ka samaynaysa jidkii ugu horeyey ee lami ah ee xafdaasi yelato+mudona u qabtay dadka wadoyinka dhistay