Manchester City iyo Liverpool Oo Ku Tartamidoona Saxeexa Isco

0
Tuesday July 22, 2014 - 08:53:15 in by
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City iyo Liverpool Oo Ku Tartamidoona Saxeexa Isco

    Iyo Manchester United Oo Todobaadkan Dalab €54 million Ah Ka Gudbinaysa Arturo Vidal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Manchester United Oo Todobaadkan Dalab €54 million Ah Ka Gudbinaysa Arturo Vidal

 

 

Iyadoo Real Madrid la rajaynayo inay todobaadkan soo bandhigto saxiixa James Rodriguez ayay kooxda Real Madrid u muuqataa inay iska iibin doonto ciyaartoy ka mid ah kooxdeeda kowaad. Sida la rumaysan yahay Real Madrid ayaa iibin doonta laacibiinta ay ka mid yihiin Di Maria, Sami Khedira iyo Isco.

Kadib marii ay kooxaha liverpool iyo Man City oo gaadeen in Isco iib yahay ayay u tartami doonaan saxiixa laacibkan booska ka waayay Real Madrid.Liverpool ayaa wali gacanta ku haysata lacagtii badnayd ee ay ka heshay iibkii luis Suarez wuxuuna Rodgers doonayaa inuu Isco ka soo dajiyo Anfield halka Pellegrini uu ka faa’iidaysanaayo inuu saddex sano tababare u soo ahaa Isco markii ay isla joogeen Malaga. Isco ayaa xagaagii hore Real Madrid ugu soo wareegay lacag lagu qiyaasay £25m.

Mar haddii Ancelotti uu hore ula soo wareegay Toni Kroos oo uu haddana soo gabagabaynayo James ayuu doonayaa inuu lacagta ay ku iibsanayaa James uu ka soo saaro qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda hore isii joogtay.

Tusaale ahaan markii ay Real Madrid la soo wareegaysay Gareth Bale waxay iibisay Mesut Ozil taas oo haddana u muuqata inay dhacayso. Real ayaa dhagaysan doonta dalabyada uga yimaada Isco, Khedira iyo Di Maria.

Vidal-AC-Milan

kooxda Man united ayaa todobaadkan doonaysa inay dalab €54 million ah ka gudbiyaan xidiga kooxda Juventus ee Arturo Vidal.Man united ayaa muddo dheer daba socotay saxiixa Vidal. United ayaa ku kalsoon inay maalmaha soo socdasoo gabagabayn doonto saxiixa 27 jirkan u dhashay wadanka Chile .

Van Gaal oo arbacadii hore si rasmi ah ula wareegay xilka Man unted ayaa ka mid ah taageerayaasha Vidal wuxuuna doonayaa inuu safkiisa ku soo xoojiyo. Van Gaal ayaa hore sanadkii 2011 iskugu dayay inuu Vidal keeno kooxda Bayern Munich oo uu markaa tababare u ahaa.

 

Kadib markii uu Antonio Conte iska casilay xilkii tababaranimo ee kooxda Juventus ayuu Vidal u muuqdaa inuu kooxda iskaga tagidoono iyadoo la sheegay inuu iibiyay guri uu ku lahaa Talyaaniga. Juventus ayaa hore Man united ugu sheegtay in haddii ay doonayaan saxiixa Vidal inay marka hore bixiyaan €56 million+Nani.

Juventus ayaa la soo wareegtay Alvaro Morata iyo Roberto Pereyra waxaana la saadaalinayaa in Juventus iska iibin doonto Vidal. Vidal oo hadda fasax ugu jooga dalkiisa hooyo ee Chile ayaa sheegay in uu mugdi ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Juventus. Agaasimaha Juventus Pavel Nedved ayaa sheegay in ay ka cago jiidayaan inay iibiyaan Vidal iyo Pogba balse wuxuu sheegay haddii ay lacag badan helaan in ay iibindoonaan.Vidal ayaa ah bartilmaameedka kowaad ee Ed Wooward wuxuun doonayaa inuu kooxda rajadeeda kor u qaado marka uu Vidal ku soo daro safkiisa.

431




Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com