Steven Gerrard oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah Iyo Juventus Oo Dhamaystirtay Saxeexa Evra Kana Tagay Man U.

0
Tuesday July 22, 2014 - 13:59:53 in by Super Admin
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Steven Gerrard oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah Iyo Juventus Oo Dhamaystirtay Saxeexa Evra Kana Tagay Man U.

    Kabtanka xulka qaranka iyo kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa ka fadhistay ciyaaraha heerka caalami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka xulka qaranka iyo kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa ka fadhistay ciyaaraha heerka caalami ah.

 

 

Gerrard oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa shaaciyay inuu ka fadhiistay ciyaaraha xulkiisa England.

Gerrard ayaa xulkiisa u ciyaaray 114 kulan isaogo u dhaliyay 21 gool. Gerrard oo warkan siiyay websiteka rasmiga ah ee FA ga Inigriiska ayaa yidhi: "Kani waa go’aan aad u adag inaad qaadato, waana mid ka mid ah go’aamada ugu adag ee aan noloshayda qaatay."Waxaan arintan diyaarinayay tan iyo markii aanu ka soo laabanay Brasil, waxaan arintan u sheegay qoyskayga, saaxiibaday iyo cidkasta oo aanu isku dhawayn inta aanan ku dhawaaqin inaan ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.

"Waxaa aad u muhiim ah in tababarha Liverpool Rodgers uu si layaableh u ilaalinaayay jidhkayga si aan waxkasta ugu huro marka aan garoonka imaado.Si aan u hubiyo inaan si heer sare ah liverpool ugu sii ciyaari karo, waxaan rumaysanahay inay yahay go’aan kani kii saxda ahaa iyo inaan Champions leaque dib ugu soo celiyo Anfield kaas oo go’aa kayga qayb wan ku lahaa.


Patrice-Evra-Man-Utd-Roma

Kooxda Juventus ayaa dhamaystirtay saxiixa difaacii hore ee Man united Patrice Evra. Juventus ayaa saxiixa Evra ka bixisay £1.5 million oo kaliya.33 jirkan ayaa kooxda united hal sano oo heshiis ah u saxeexay bishii May halka uu hadda juventus u saxeexay heshiis laba sano ah.

maatinka Van Gaal ayaa xaalka Evra uga sii daray kadib markii uu la soo wareegay Luke Shaw. Evra ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay kooxda Juventus. Juventus ayaa hadda ku dhawaaqday saxiixa Evra. Evra ayaa kooxda ree Talyaani ee Juventus la joogi doona ilaa 2016 kadib markii uu saxeexay heshiis laba sono ah.Juvntus ayaa lacagta Evra ukala bixin doonta laba qaybood halka ay juventus bixin doonto 0.3 million haddii ay u soo baxdo Champions leaquega


Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com