Arturo Vidal Oo Diiday Inuu u Tago Kooxda Manchester United oo rabtay inay iibsato.

0
Friday July 25, 2014 - 15:02:23 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arturo Vidal Oo Diiday Inuu u Tago Kooxda Manchester United oo rabtay inay iibsato.

    Laacibka Baryahaba Manchester United Rabtay Inay Iibsato Ee Arturo Vidal Oo Diiday Inuu Tago Kooxda Manchester United

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka Baryahaba Manchester United Rabtay Inay Iibsato Ee Arturo Vidal Oo Diiday Inuu Tago Kooxda Manchester United
Laacibkan u ciyaara kooxda Italy ka Dhisan eeJuventus ayaa sheegay in aanu rabin kooxda Manchester United Sidaana waxaa uu sheegay wargayska Italy ka soo baxa eeDello Sport.

Laacibkan dhexda Uga ciyaara kooxda Juventus Vidal ayaa Kusoo laabtay dalka Italy waxaanu ku jiray fasax mudo ah oo uu aaday markii Ciyaaraha aduunka laga saaray dalkiisa chile.

27 jirkan chile u dhashay ee kubada adag ee dhexdaa ciyaara ayaa waxaa ku Tartamaaya Manchester United Liverpool arsenal Iyo Real Madrid Saxeexisa.

Mar laWaydiiyay Inuu ka tagi doono kooxda Juventus ayuu sheegay in aanu aqoon meesha uu mustaq balkiisa ku danbayn Lakiin waxaa uu haysta 3 Sano oo heshiis ah mana ogi buu yidhi cida aan la joogo Iyo kooxda aan qaban Lakiin hada waxaan ahay ciyaar today u dheela Juventus.

Waxaanu meesha ka saaray Inuu marna tagi doono OldTrafford Iyo kooxda Man U.
Hadiiba Juventus iibiso laacibka Vidal ayay ku rabta lacag gaadhaysa €45 million Euro oo u dhiganta £36 million oo pound.

Ugu danbayntii Vidal ayaa sheegay Inuu maalinta Isniina inagu soo foodka leh ka kulmi doono tababarihiisa waxaanu kala ogaan doona Mustaqbalkiisa Kulanka kadib.



Afkashacbka.com / Cayaaraha