Dhaxalsugaha Sucuudiga oo ka shaqeyn doona soo celinta Islaam qunyar socod ah

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:45:49 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaxalsugaha Sucuudiga oo ka shaqeyn doona soo celinta Islaam qunyar socod ah

    Dhaxal sugaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa balan qaaday in uu ku shaqeynayo in uu soo celinayo waxa uu ugu yeeray islaamka qunyar socodka ah. Dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, oo ka jawaabayay su'aal lagu weydiiyey xaflad maalgashi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa balan qaaday in uu ku shaqeynayo in uu soo celinayo waxa uu ugu yeeray islaamka qunyar socodka ah. Dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, oo ka jawaabayay su'aal lagu weydiiyey xaflad maalgashi oo ka dhaceysay Riyadh, ayaa sheegay in ay jiraan isbedel la sameeyay sanadihii 1979-kii, balse saraakiishu ay ka takhalusi doonaan mustaqbalka dhaw haraaga xagjirnimada.


Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacudi Carabiya waqti isaga lumin doonin 30-ka sano ee soo socda waxka khabashada afkaarta wax burburinaya.

Dadka ka faaloodo arrimahan ayaa u arka dhaxal sugaha in uu yahay maskaxda ka dambeysa dhowr isbadel oo dhawaanahan lagu sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa dhawaan haweenka Sacudi Carabiya laga qaaday xayiraad laga saaray wadida gawaarida.