Iiraan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Degenaansho Ka Haysta Dalka Sweden

0
Wednesday October 25, 2017 - 11:00:06 in by Burco Office
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Degenaansho Ka Haysta Dalka Sweden

    Iiraan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Degenaansho Ka Haysta Dalka Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iiraan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Degenaansho Ka Haysta Dalka Sweden

Maxkamad ku taalla Iiraan ayaa la rumaysan yahay in ay dil ku xukuntay dhakhtar reer Iiraan ah oo haysta degenaansho Sweden ah, ka dib markii lagu helay in uu basaas u ahaa Israa’iil.

Dacwad ooge reer Iiraan ah ayaa sheegay in lagu helay dambi ah in uu dad u shaqeeya Israa’iil u gudbiyay ciwaannada 30 ruux oo ah khuburo nukliyeerka iyo arrimaha milatariga ku takhasusay, kuwaas oo labo ka mid ahaa lagu dilay weerar bambaano oo dhacay 2010kii.


Ma uusan shaacinin magaca qofka la dilay.

Axmadreza Djalali oo caafimaadka xaaladaha degdegga ah qaabilsan ayaase xukun noocaas oo kale ah lagu riday sida ay xaaskiisu sheegtay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in xukunkaasi uu yimid ka dib markii "jir dil, cadaymo been ah iyo xukun aan cadaalad ahayn lagu fuliyay”.

Jafari-Dowlatabadi oo ah dacwad ooge reere Iiraan ah ayaa kulan ay dacwad oogeyaashu isugu yimaadeen Talaadadii ka sheegay in qof aan magaciisa la shaacinin lagu "xukumay” in uu bixiyay macluumaadka gaarka ah ee 30 ruux oo ku hawlanaa cilmibaarista arrimaha milatariga iyo barnaamijka nukliyeerka uuna ku wareejiyay shaqaalaha sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Wuxuu sheegay in ay ka mid ahaayeen Massoud Ali-Mohammadi iyo Majid Shahriari kuwaas oo ku dhintay qaraxyo caaasimadda Tehran ka dhacay bishii Janaayo iyo bishii Nofembar ee sannadkii 2010kii.

Dacwad ooguhu wuxuu sheegay in qofka dacwadda lagu soo oogay uu macluumaadkan u ugudbiyay Israa’iil arrintaasna lagaga badashay lacag iyo in degenaansho laga siiyo Sweden.