Dawladda Zimbabwe Oo Wasiir U Magacawday Arrimaha WhatsApp

0
Wednesday October 25, 2017 - 11:02:09 in by Burco Office
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Zimbabwe Oo Wasiir U Magacawday Arrimaha WhatsApp

    Dawladda Zimbabwe Oo Wasiir U Magacawday Arrimaha WhatsApp

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Zimbabwe Oo Wasiir U Magacawday Arrimaha WhatsApp

Ogaysiis ay soo saartay xukuumadda ayaa qabsaday baraha bulshada isla markii uu madaxweyne Robert Mugabe sameeyey wasaarad mas’uul ka ah amniga internetka, wax ka ogaanshaha khataraha, iyo wax ka qabashadooda.

Dadka reer Zimbabwe waxay warqadda magacaabidda kaga jawaabeen si jeesjees ah.

Qoraal amar ah oo wasiirku soo saarayImage captionQoraal amar ah oo wasiirku soo saaray

Laakinse wakhtigaas ka dib kaftankii wuu yaraaday, dadka reer Zimbabwena waxay iminka ka baaraan degayaan waxa ay wasaaradda cusub ula jeeddo xorriyaddooda rayid ahaan ay leeyihiin, gaar ahaan xorriyatul qowlka.

‘Khatar qaran’

Xukuumadda Zimbabwe lama dhacsanayn baraha bulshada, ka dib markii baadari la yiraahdo Evan Mwararire uu horseed ka noqday dhaqdhaqaaq la magac baxay #ThisFlag sannadkii hore.

Iyagoo isticmaalaya baraha Twitter iyo Facebook ayey abaabuleen mudaaharaad guri-joogid ah, kaasoo ahaa kii ugu ballaarnaa ee muddo 10 sano ah dhaca.

Afhayeenka madaxweyne Mugabe, George Charamba, wuxuu sheegay in Mr Mugabe uu la yimid fikradda ah in la sameeyo wasaarad la tacaamusha "khataraha soo baxaya ee liddiga ku ah dalka”.

16kii sano ee u dambeeyey isticmaalka internetka ayaa sare u kacay min 0.3% ilaa 46%, xogtaas oo laga helay hay’adda isgaarsiinta caalamiga ah (ITU).

Dhowr maxaddad TV iyo wargaysyo internetka laga daalacdo oo qaarkood dalka dibaddiisa laga soo saaro ayaa internetka isticmaala si ay u baahiyaan warar aysan dawladdu aamusin karin.

Mudaaharaadayaasha #ThisFlag oo curyaamiyey hawlihii caasimadda Harare sannadkii horeLahaanshaha sawirkaAFPImage captionMudaaharaadayaasha #ThisFlag oo curyaamiyey hawlihii caasimadda Harare sannadkii hore

Markii kaalimaha shidaalka uu shidaalkii ka dhamaaday bishii hore, ayaa waxaa la arkay safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada waaweyn, ayadoo dadku ay cunno kaydsi billaabeen, cabsi laga qabo in cunnadu yaraato.

Walaacaas oo jira ayey xukuumaddu ku eedeysay farriimaha baraha bulshada inay cabsida sii badiyeen.

Wasiirka cusub ee amniga internetka, Mr Chimanasa, ayaa taas isna qaba oo leh "sababtu waa baraha bulshada”.

Fikradaha

Dadka qaar waxay leeyihiin mowqifka xukuumaddu wuxuu khatar ku yahay xorriyaddooda.

Mid ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda war isgaarsiinta oo la yiraahdo Media Institute for Southern Africa (Misa) xafiiskiisa Zimbabwe ayaa sheegay in sida gaarka ah ee iminka isha loogu hayo baraha bulshada ay ka soo horjeeddo dastuurka iyo xorriyatul qowlka.

"Khatarahan nasiib darrada ah waxay dhaliyeen in shakhsiyaad ay faafreeb ku sameeyaan mowduucyada qaarkood ee saamaynaya dalka” ayaa lagu sheegay hadal qoraal ah.

Waxaa kaloo la dhaliilay faafreebka lagu sameeyo warbaahinta Zimbabwe.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Zmbabwe ee MDC ayaa isagu talaabo intaa dhaafsiisan ku sheegay in wasaaradda cusub ee dawladdu samaysay uu micnaheedu yahay in xukuumaddu ay basaasayso dadkeeda.

Hogaamiyaha xisbiga, Morgan Tsvangirai, ayaa rumaysan in wasaaradda loo abuuray inay cabburiso xorriyadda hadalka, ayadoo la isu diyaarinayo doorashada 2018.

Dadka qaar waxay qabaan in jeesjeeska uu muujinayo in aan faham laga qabin khatarta dunida ka haysata dambiyada lagu galo Internetka.

Qaar kale ayaa waxaa u muuqda in ay isku xiran yihiin isha ay xukuumaddu ku hayso dhaqdhaqaaqa Internetka iyo doorashooyinka soo socda

— Reagan Mashavave (@ReaganMashavave)09 Bisha Tobnaad 2017

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @ReaganMashavave

Now who did this