Qalliinka wadnaha galinka dambe ayuu fiican yahay

0
Friday October 27, 2017 - 10:29:35 in by Burco Office
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalliinka wadnaha galinka dambe ayuu fiican yahay

    Qalliinka wadnaha galinka dambe ayuu fiican yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalliinka wadnaha galinka dambe ayuu fiican yahay

Qalliinka wadnaha ayaa u muuqda in uu wanaagsan yahay in galinka dambe la sameeyo sababtuna ay tahay saacadda jirka ama qaabka uu jirku u shaqeeyo, sida ay saynisyahannadu sheegeen.

Saacadda jirka ayaa ah sababta aan habeenkii u seexanno, laakiin sidoo kale waxay kaalin wayn ku leedahay qaabka uu jirkeennu u shaqeeyo.

Cilmibaaris lagu daabacay majaladda Lancet ayaa tilmaamaysa in wadnuhu uu awood leeyahay oo uu qalliinka uga adkaysi badan yahay galinka dambe marka loo eego galinka hore.

Waxayna sheegeen in aysan saamayn keenin dhakhaatiirta daalan ee subixii wax qala.

Dhakhaatiirta ayaa u baahda in ay wadnaha istaajitaan si ay qalliinka u sameeyaan.

Dhakhaatiirta iyo cilmibaareyaashu waxay fiiriyeen khalkhalka wadnaha ku dhaca sida wadne xannuunka, wadne istaagga ama geerida timaadda qalliinka kadib. Waxayna ogaadeen in:

  • 298 bukaan ee subixii la qolay ay xaalad adag soo wajahday 54 ka mid ah
  • 298 ruux ee la qalo galinka dambana 28 ka mid ah ayay soo wajahday xaalad adag
  • Bukaannada galinka dambe laga qalo wadnaha ayay soo wajahdaa kala bar halis ka yar midda soo wajahda kuwa subaxii la qalo.
  • Hal halis oo wayn ayaana laga baaqsan karaa 11kii bukaan ee galinka dambe la qalaba.

Barre sare Bart Staels oo ka tirsan xarrunta cilmibaarista ee Institut Pasteur de Lille oo qayb ka ahaa baaritaankan ayaa websiteka BBC News u sheegay "in aysan doonaynin in ay dadka ka baqdin galiyaan qalliinnada nolosha lagu badbaadinayo ee galinka hore".

Wuxuuna intaas ku daray in aysan macquul ahayn in isbitaalladu ay qalliinnada sameeyaan galinka dambe oo kali ah.