in xisbiga Waddani soo celinayo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas xisbiga Waddani ku eedeeyay in xisbiga Kulmiye Been Abuuray.


Mid ka mid ah warqadaha oo laga dhigay in ay is dhaafsadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Michael Keating ayuu beeniyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Press Encounter by Mr. Michael Keating, Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia

"Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya(UNSomalia) waxay ku talinaysa in ay been tahay warqad laga dhigay in ay is dhaafsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Michael Keating taas oo ku saabsan doorashada Somaliland,” Sidaas ayaa lagu yidhi barta Twitter-ka ee UNSomalia.
Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye ku mashquulsan yahay samaynta warqaddaha been abuurka ah iyo muuqaallo. Waxa uu sheegay in dhawr iskuday oo hore ka fashilmeen waxaanu sheegay in isaga iyo xisbigiisu bari ka yihiin eedahaasi.
Dadka arrintan ka soo horjeeda ayaa ku doodaya in ay Qarannimada Somaliland dhaawacayso in mid ka mid ah Asxaabta Qaranka lagu sheego mid Soomaaliya laga maamulo, islamarkaana la ribeeyo boqolaal kun oo xisbiga taageera.