War Deg Deg ah: Xildhibaan Cabdirisaaq Aar oo ka Baxaya xisbiga kulmiye iyo Xisbiga uu ku Biirayo

0
Saturday October 28, 2017 - 10:21:27 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Xildhibaan Cabdirisaaq Aar oo ka Baxaya xisbiga kulmiye iyo Xisbiga uu ku Biirayo

    Xildhibaan Cabdirisaq Aar oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco ayaa warar xog ogaal ahi sheegayaan inu ka baxayo xisbigii uu ka soo baxay ee kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdirisaq Aar oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco ayaa warar xog ogaal ahi sheegayaan inu ka baxayo xisbigii uu ka soo baxay ee kulmiye isla markaasna wadahadalo hoose la wado xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, illaa hada lama oga sababta kelifaysa inu xisbigaasi ka digo rogto xildhibankani, balse waxa maalmihii u danbeeyey socday dabaylo is bedel doon oo shacabka iyo xildhibaanadii ay doorteen ba ay kaga guurayeen xisbigii kulmiye oo muddo 7 sanno ah talada dalka hayey.

xildhibaano ay kamid ahaayen xildhibaan cabdi laki xasan nuur ayaa hore uga baxay xisbiga kulmiye kuna biiray xisbiga waddani, waxana la filayaa in xisbiga waddani uu cod badan ku heli doono deegaanada xildhibaan cabdirisaaq aar haddii uu uso digo rogto.

Xildhibaan Abdirisaq aar ayaa kamid ah xildhibaanada ugu aqoonta badan uguna da'da yar golaha degaanka burco isagoo ku xidhan dhalinyaro badan oo aqoonyahan isla markaasna inta badan ka shaqeeya arrimaha bulshada


wixi faahfaahin dheeraad ah kala soco afkashacabka.com