
Haayadda Khayriga ah African Relief Fund Oo Dharkii Ciida Ugu Deeqday Ardayda Dugsiga Agoomaha Ee Taban-Taabo Burco + Sawiro
Haayadda Khayriga ah Ee African Relief Fund ayaa Magaladda Burco ku Ciid Siisay isla markaasna dhar gudonsisay 83 Arday ah oo Hablo ah Oo Agoomo ah.

Ardaydani ay Maanta Haayadda Khayriga ah Ee African Relief Fund Gudonsisay Dharka Ciida ayaa ah Hablo Agoomo ah Oo Dhigta Dugiga Taban-Taabo.
Xafladda gudoonsinta dharkani ciida ayaa waxa goob joog ka ahaa Agasimaha hayadaasi Cabaas Cabdiraxmaan ismaacil,Maamulaha Dugsiga Taban-Taabo burco Faadumo Muuse Cumer,Waladiin iyo Marti Sharaf Kale Duwan.

Ugu Horraynba Waxa Halkaasi ka Hadlay Agasimaha Haayadda Khayriga ah Ee African Relief Fund somaliland Cabaas Cabdi-Raxmaan ismaaciil Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Dharkani ay ugu Deqeen Ardayda Agoomaha ah Ee Dhigta Dugsiga Taban-Taabo.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Agasimaha ” Runtii Maanta Waxa Noo Farxad ah in Aanu la Ciidayno Oo Aanu Dareenkoda la Qadanayno Ardaydii Hablaha ahaa Ee Dhigta Dugsiga Taban-Taabo,Waxaanu ugu Deeqaynaa Hablahaa Agoomaha ah Dharkii iyo Waliba Kabihii ay ku Ciidi Lahayeen,Sidaynu Wada Dareensanahay Masuliyad Wayn ayaa Dhamaantenba inaga Wada Saaran inaynu ilaalino oo aynu daryeelo caruurta agoomaha ah,waxaana mudan inaynu markasta ka wada qayb-qaadano farxad galintooda,waxaana sidoo kale fiican sidaynu u jecel nahay inay markasta aw laadunu faraxsanadaan inaynu iyagana kaga farxino,Run ahaantii maanta farxad wayn ayaan dareemayaa maadama aan ardaydii agoomaha ahaa u diyaarinay wixii ay ku ciidi lahayeen,Haayadda African Relief Fund waxay iyadu markasta u heelan tahay sidii ay wax ula qaban lahayd caruurta agoomaha ah,Falilaahu xamdu waxa haayadda african relief u hirgashay inay xarunta agoomaha ee taban-taabo ay gudonsiyaan dharkii iyo kabihi loogu talo-galay ardayda agoomaha ah,African Relief Fund Waxa ka Go-an inay Markasta Caawiso Oo ay Garab-istaagto Caruurta Agoomaha ah” Ayuu Yidhi Agasimaha Somaliland Ee Haayadda African Relief Fund

Maamulaha Dugsiga Agoomaha Ee Taban-Taabo Ee Magaladda Burco Faadumo Muuse Cumer Oo iyaduna dhankeeda halkaasi ka hadashay ayaa amaan baladhan usoo jeedisay haayadda khayriga ah ee african relief fund Oo ay shegtay inay tahay haayadd khayriya oo markasta barbar taagan Hablaha Agoomaha ah.

Faadumo ayaa Sidoo Kale ugu Baaqday Bulshadda Reer Somaliland inay ka Qayb-Qaatan Caawimadda Hablaha Agoomaha ah.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalededii Sida Tan ” ilaahaybaa Mahad Lehe Waxaan Halkan uga mahad celinayaa haayadda African Relief Fund Oo Runtii ah Haayadd Markasta Barbar taagan Xarunta Agoomaha Ee Taban-Taabo burco,waxaan ilaahay uga baryayaa inay noqoto hayaddii liibanta Oo anba Dhamaanba Caruurta Agoomaha ah,Waxaan Bulshadda Reer Somaliland ugu Baaqaya inay soo Cawiyaan Oo ay barbar istagaan caruurta agoomaha ee aan ku Xananayno Dugsiga Taban-Taabo”

Dhinaca Kale Waxa iyaguna ka Hadlay Dharka Ciida Ee ay Haayadda African Relief Gudonsisay Hablaha Agoomaha ah Ee Dhigta Dugsiga Taban-Taabo Qaar ka tirsan hoyooyinka Dhalay Caruurtaasi Agoomaha ah waxaanay mahad celin baladhan usoo jeediyeen cid kasta oo ka qayb-qaadatay sidii loo ciidsin lahaa ardaydaasi agoomaha ah.

Si Kastaba ha ahatee Maaha Ciidi Ugu horraysay ee haayadda khayriga ah Ee African Relief Fund ay Deeq Noocan Oo Kale ah ay Gudonsiso Ardayda Hablaha ah Ee Dhigta Dugsiga Agoomaha Ee Taban-Taabo
Contact@afkashacabka.com
Haayadda Khayriga ah African Relief Fund Oo Dharkii Ciida Ugu Deeqday Ardayda Dugsiga Agoomaha Ee Taban-Taabo Burco + Sawiro
Haayadda Khayriga ah Ee African Relief Fund ayaa Magaladda Burco ku Ciid Siisay isla markaasna dhar gudonsisay 83 Arday ah oo Hablo ah Oo Agoomo ah.