Madaxweynaha Dalka Uganda Oo 5,000 Oo Askari U Soo Diraya Soomaaliya

0
Saturday October 28, 2017 - 10:30:38 in by Burco Office
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Uganda Oo 5,000 Oo Askari U Soo Diraya Soomaaliya

    Madaxweynaha Dalka Uganda Oo 5,000 Oo Askari U Soo Diraya Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Uganda Oo 5,000 Oo Askari U Soo Diraya Soomaaliya

Madaxweynaha Uganda Museveni ayaa u sheegay mas’uuliyiin Maraykan ah in Uganda ay diyaar u tahay in ciidamo hor leh oo gaaraya shan kun oo askari ay u direyso dalka Soomaaliya iyagoo qeyb ka noqonaya ciidamada AMISOM si ay ula dagaalamaan ururka Al-shabaab.


Warkan ayaa sida ay daabacday Daily Monitor waxa uu u sheegay Gen Museveni Mr Donald Yamamoto kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee arrimaha Afrika mar uu kula kulmay magaalada New York bishii aynu ka soo gudubnay.

Hase yeeshee Museveni ayaa u sheegay sarkaalkan Maraykanka ah in ciidamadiisu ay tegeyaan Soomaaliya haddii beesha caalamka ay dhaqaalaha ku baxaya diyaariso isla markaana la siiyo qalab suurtogelinaya in ay awood u yeesheen inay weeraro qaadaan sida diyaaradaha helicopterska.

Uganda ayaa ciidamo gaaraya lix kun oo askar waxa ay ka joogaan Soomaaliya waana ciidamada ugu badan ee ka socda wadamada Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.

Kulanka uu la yeeshay Museveni Yamamoto ayaan wax jawaab ah ka helin sarkaalka Maraykanka ah in dowladiisu ay diyaar ula tahay inay caawiso ciidamada Uganda.

Hase yeeshee Yamamoto ayaa ku amaanay Mr Museveni hogaamiyanimadiisa iyo sida uu waaya-araga ugu yahay arrimaha Afrika Maraykankana uu qiimeyn iyo tixgelin siin doono.