Israa'iil Oo Nin Carab Ah Ku Maamuustay Abaalmarintii Ugu Qaalisanayd

0
Saturday October 28, 2017 - 10:32:31 in by Burco Office
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil Oo Nin Carab Ah Ku Maamuustay Abaalmarintii Ugu Qaalisanayd

    Israa'iil Oo Nin Carab Ah Ku Maamuustay Abaalmarintii Ugu Qaalisanayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil Oo Nin Carab Ah Ku Maamuustay Abaalmarintii Ugu Qaalisanayd

Qofkii u horreeyay ee Carab ah ayaa lagu maamuusay abaalmarinta ugu sarraysa ee ay Israa’iil bixiso, isaga oo ku mutaystay in uu badbaadiyay Yuhuud intii uu socday xasuuqii Holocaust ee Nazi-ga.


Maxamed Helmy oo dakhtar reer Masar ah ayaa qariyay haweenay Yuhuudad ah caawiyayna qoyskeeda oo Baarliin ku noolaa, halkaas oo uu ku noolaa kana shaqeeyay dagaakii labaad ee adduunka ka hor.

Dadkii ka farcamay Dr Maxamed oo dhintay 1982 ayaa la gudoonsiiyay abaalmarintan oo xalfadeeda lagu qabtay magaalada Baarliin.

Dad lagu qiyaasay 70 ruux oo Muslimiin ah ayaa ka mid ah 26,500 oo ruux oo aan Yuhuud ahayn oo ay Israa’iil u aqoonsatay badbaadiyeyaal.

 

View image on Twitter

Maxamed Helmy ayaa Baarliin dagay 1922 halkaas oo uu ku bartay dakhtarnimo kana shaqeeyay isbitaal ku yaalla.

Isaga laftirkiisa ayaa cunsurinimo la kulmay markii ay Nazi-yiintu talinayeen, shaqadiisa ayuu waayay, labo jeer ayaana la xiray.

Markii ay sare u sii kacday waxyeelooyinkii Yuhuudda loogu gaysanayay Jermalka ayuu Dr Maxamed qariyay Anna Boros oo ahayd 21 jir bukaankiisa ka mid ahayd.

Wuxuu maareeyay in uu ka qariyo booliiska dharcadda ah oo uu hoy siiyo, wuxuuna caawiyay hooyadeed, ninka hooyadeed qabay iyo ayaydeed tan iyo intii uu dagaalku ka dhamaanayay 1945tii.

Waa dambe ayay qortay Anna Boros "Dr Maxamed waxyaabo badan ayuu ii qabtay isaga oo ay ka tahay naxariis qalbigiisa ka soo go’day, waligayna abaal ayaan uga hayn doonaa.”

Dr Maxamed waxaa aqoonsadau Yad Vashem oo ah meel qaran oo Israa’iil ay ku xasuusato xasuuqii Holocaust, sannadkii 2013kii.

Abaalmarintiisana waxaa la gudoonsiiyay Nasser Kotby oo uu waalid labaad u yahay oo isaguna dakhtar ka ah safaaradda Israa’iil ee Baarliin.

Gabadh ay dhashay Anna Boros ayaa iyadana ka timid magaalada New York si ay u maamuusto xalfadda loo qabtay.