Dumarka Sacuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaanayo Garoommada Ciyaaraha

0
Monday October 30, 2017 - 10:24:45 in by Burco Office
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dumarka Sacuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaanayo Garoommada Ciyaaraha

    Dumarka Sacuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaanayo Garoommada Ciyaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dumarka Sacuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Loo Ogolaanayo Garoommada Ciyaaraha

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaan doonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.


Qoysaska ayaa awoodi doona in ay galaan garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.

Waa tallaabo kale oo xorriyad dheeraad ah lagu siinayo dumarka Sacuudiga oo ay saaranyihiin xayiraando jinsi ku salaysan, waxayna arrintani dabo socotaa xayiraddii wadidda baabuurta ka saarnayd ee dhawaan laga qaaday.

Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.

Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan "in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.

Inkastoo isbadallo la sameeyay dhawaan, haddana wali xayiraado ayaa saaran dumarka SacuudigaLahaanshaha sawirkaAFPImage captionInkastoo isbadallo la sameeyay dhawaan, haddana wali xayiraado ayaa saaran dumarka Sacuudiga

Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.

Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayay ahaayeen.