Ruushka Oo Duqeeyey Fadhiisimo Kooxda Daacish Ku Leedahay Suuriya

0
Wednesday November 01, 2017 - 11:01:12 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Duqeeyey Fadhiisimo Kooxda Daacish Ku Leedahay Suuriya

    Ruushka Oo Duqeeyey Fadhiisimo Kooxda Daacish Ku Leedahay Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka Oo Duqeeyey Fadhiisimo Kooxda Daacish Ku Leedahay Suuriya

Wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in qiyaastii 10 qof oo shan ka mid ahi yihiin caruur lagu dilay duqeyn lala eegtay albaabka Iskuul ku yaal dhulka go’doonka la geliyey ee kooxaha mucaaradku gacanta ku hayaan ee ku dhaw magaalada caasimada ah ee Dimishiq.


Sida ay ku waramayaan kooxaha la socodka xadgudubka xuquuqda aadanaha ee Suuriya, duqeynta oo ka dhacday deegaanka Quudda ayaa ay sida oo kale dhaawacyo ka soo gaadheen 30 qof oo kale.

Geesta kalena gobolka Dayr Al-Soor ee dhaca bariga Suuriya, ayaa Ruushku sheegeen inay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen kooxda la baxday Dawladda Islaamku.

Wasaarada difaaca Ruushka ayaa xustay in sadex gantaalaha Cruise-ka oo laga soo riday gujis dagaal oo fadhiya bariga badda Mediterranean ay ku burburiyeey fadhiisimo ciidan oo ay kooxda xagjirka ahi ku leedahay halkaas iyo sidoo kale gaadiid gaashaaman iyo bakhaaro ay saanadu u taallay oo ku yaal magaalada Abu Kamal.