HINDIYA: Labo Nin Oo Lagu Helay Inay Kufsadeen Gabadh 10 Jir Ah Oo Ay Adeer U Yihiin

0
Wednesday November 01, 2017 - 11:02:52 in by Burco Office
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HINDIYA: Labo Nin Oo Lagu Helay Inay Kufsadeen Gabadh 10 Jir Ah Oo Ay Adeer U Yihiin

    HINDIYA: Labo Nin Oo Lagu Helay Inay Kufsadeen Gabadh 10 Jir Ah Oo Ay Adeer U Yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HINDIYA: Labo Nin Oo Lagu Helay Inay Kufsadeen Gabadh 10 Jir Ah Oo Ay Adeer U Yihiin

Maxkamad dadajisa xukunnada oo Hindiya ku taalla ayaa labo nin ku heshay in ay kufsadeen gabadh toban jir ah taas oo gabdh dhashay bishii Agoosto.


Labada ninba gabadhan yar adeer bay u yihiin, xukunkooduna Khamiista ayuu dhici doonaa.

Uurkeeda waxaa la ogaaday bartamihii bishii Luulyo markaas oo ay ka cabatay calool xannuun, sidaas ayayna waalidkeed isbitaal ku geeyeen.

Adeerka labaad ayaa la xiray ka dib markii hidda sidahaDNA ay is yeelan waayeen walaalkii uu ka wayn oo markii hore la xiray.

Dhagaysiga dooda eedaysaneyaasha waxaa la dhameeyay Isniintii, Talaadadiina maxkamaddu waxay ku dhawaaqday in ay dambiileyaal yihiin.

Adeerka wayn dacwaddiisu waxay qaadatay bil, halka midka yar go’aan lagaga gaaray 18 maalmood, arrintaas oo mid xusud mudan ah.

Hindiya waxaa ku nool 400 milyan oo carruur ahLahaanshaha sawirkaAFPImage captionHindiya waxaa ku nool 400 milyan oo carruur ah (sawir hore)

Baaxadda ay leedahay tacaddiga Hindiya ka dhaca


Ilmo 16 sano ka yar ayaa 155 daqiiqo ee kaste la kufsadaa, 13kii saac ee kastana ilmo 10 sano ka yar

In kabadan 10,000 oo carruur ah ayaa la kufsaday sannadkii 2015kii.

240 oo milyan oo gabdhood oo ku nool dalka Hindiya ayaa la guursaday iyaga oon gaarin 18 sano

53.22% carruurta dhigatay iskuullada dawladda waxay sheegeen in lagula ka cay noocyo ka mid ah tacaddiyada

50% dadka tacadiyada gaystay waa qof ay carruurta is yaqaannaan ama waa kuwa xannaaneeya.

Xigashada macluumaadkan: Dawladda Hindiya iyo Unicef