"Dal Iyo Dad Is Haysta" Dardaarankii Madaxweyne Riyaale Q/L: Mohamed Hamud

0
Sunday July 27, 2014 - 14:34:37 in by Super Admin
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dal Iyo Dad Is Haysta" Dardaarankii Madaxweyne Riyaale Q/L: Mohamed Hamud

    Weedha an ku halqabsaday waa mid Ka Mid Ah Weedhihii Xil Wareejinta Madaxtinimada Ee Daahir Riyaale Kaahin Ka Jeediyay Madashii Xil Wareejinta ee 27-July-2010.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weedha an ku halqabsaday waa mid Ka Mid Ah Weedhihii Xil Wareejinta Madaxtinimada Ee Daahir Riyaale Kaahin Ka Jeediyay Madashii Xil Wareejinta ee 27-July-2010.

Bismilaah: Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland iyo guud ahaanba shacab waynaha Somaliland oo aan leeyahay ilaahay IIDA haynagu gadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.


Intaas ka dib maanta oo ay taariikhdu tahay 27-July-2014, waa maalin taariikh ah oo ku suntan maalmaha ugu muhiimsan Somaliland, waa maalintii ay Somaliland ka dhacday xil wareejintii ugu horeysay ee ay xilka kula kala wareegaan laba madaxwayne hab dimuqraadi ah, maalintaas xilka lala kala wareegay oo ahayn 27-July-2010 ka dib markii Madaxwaynaha haatan talada dalka haya ee Muda: Axmed Maxamed Maxamud Sillaanyo uu xilka kala wareegay madaxwaynihii Hore ee isaga ka horeeyey Mudane: Daahir Riyaale Kaahin.

Runtii Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa aabihii dimuqraadiyada, ama ah ba madaxwaynihii ugu horeeyey ee hirgaliya hanaanka doorashooyinka Somaliland ee ay iminka ku nabad iyo caano maashay, hadaynu dib u milicsano doorashooyinkii uu soo qabtay ama dalka ka qabsoomay mudadii uu madaxaynaha ka ahaa Mudane: Daahir Riyaale waxa ugu horeysay doorashadii golaha deegaanka oo ay ku tartamayeen LIX urur Siyaasadeed, lixdaas urursiyaasadeed oo ay ka soo baxayeen sadex xisbi qaran waxayna kala ahaayeen,UDUB ,KULMIYE, UCID, ASAD, SAHAN iyo HORMUUD, doorashadaas oo dalka ka qabsoontay 15-December-2002, oo ay ka soo bexeen sadex xisbi qaran oo kala ahaaUDUB, KULMIYE iyo UCID.

Doorashadii labaad ee dalka ka dhacda oo noqotay doorashadii madaxwaynaha oo xiligaas ay ku tartamayeen sadexda xisbi qaran gaar ahaan Mudane: Daahir Riyaale Kaahin oo ka sharaxan XisbigaUDUB, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka sharaxan xisbigaKULMIYEiyo Mudane: Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbigaUCID, doorashadaas oo uu uk guulaystay Mudane Daahir Riyaale Kaahin taas oo cod aad u yar uu kaga guulaystay Musharixii XisbigaKULMIYEMudane Axmed Siilaanyo, Doorashadaas oo qabsoontay April 2003.

Doorashadii sadexaad ee ka qabsoonta Somaliland mudadii uu madaxwaynaha ka ahaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxay ahayd doorashadii baarlamaanka Somaliland oo ay ku tartamayeen sadexda xisbi qaran eeUDUB, KULMIYE iyo UCID, doorashadaas oo lagu soo dooranayay 82 xildhibaan oo kasoo baxay dhamaan gobolada Somaliland, doorashadaas oo qabsoontay 29-Sep-2005, doorashadaas oo ay xisbiyada mucaaradku ku guulaysteen aqlabiyad ku dhow 60%.

Doorashadii Afraad ee qabsoonta xiligii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxay ahayd Doorashadii Madaxtinimada oo mar labaad dalka ka qabsoontay, doorashadaas oo qabsoontay 26-June-2010, doorashadaas oo mudooyin badan dib uga dhacday wakhtigii loogu talo galay, hadana markii danbe si nabad gelyo iyo xalisooniyi ku jirto uga qabsoontay guud ahaanba Somaliland, doorashadaas oo lagaga adkaaday madaxaynihii hore ee Somaliland taas oo guusha gacanta u galisay Madaxwaynaha haatan talada dalka haye ee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, doorashaas oo uu si aqlabiyad ah ugu guulaystay xisbiga KULMIYE ee haatan talada dalka gacanta ku haya.

Waxa kale oo uu hirgaliyay madaxwayne Daahir Riyaale kaadhadhkii doorashooyinka lagu galay oo gabi ahaanba laga wada qaatay Somaliland, kaadhadhkaas oo laba jeer la sameeyey, ayaa hadan si nabad gelyo ah oo aan turxaani ku jirin uga wada qabsoomay Somaliland.

27-July -2010 waa maalin lagu xasuusan karo dimuqraadiyada Somaliland uu runtii keentay in dal aan la aqoon sanayn dhaqaale fiicana aan lahayni uu si nabad gelyo ah oo xor ah madaxwayne madaxwayne la soo doortay xilka ugu wareejiyo, taas oo runtii soo jiidatay indhaha caalamaka, oo keentay in il gaara lagu eego Somaliland.

Ka dib doorashooyinkaas Somaliland ka qabsoomay, madaxwaynihii hore ee Somaliland wuxuu dhidibada u taagay oo uu adkeeyay nabada iyo xasiloonida Somaliland, wuxuu horumariyay oo uu si oo uu dhisay ciidan qaran oo xoogan, oo runtii ah ciidankan aynu ku naaloonayno wax qabadkiisa iyo ilaalinta amniga guud ahaan, wuxu ka shaqeeye oo uu abuuray isku xidh bulsho, wuxuuna meesha ka saaray qabyaalada iyo qaraaba kiilka, wuxuu dalka ka mamnuucay in laga hirgaliyo Somaliland idaacado fara badan, isagoo ku rajo waynaa inuu tayeeyo idaacada qaranka Somaliland.

Waxa xusid mudan Daahir Riyaale inuu ku adkaa oo aanu waxba dhaafsiisanayn qaranka Somaliland iyo ku wada noolaanshaha Nabada iyo xasiloonida ee mandaqada geeska Africa.

Daahir Riyaale Kaahin madaxwaynihii hore ee Somaliland ma ahayn nin ka aarguta qofka kula kaca xumaanta ama cayda lkn wuu ku adkaa qofka qaranka kala kaxaynaya ee dhaawac bulshada u keenaya, taas waxa kaaga markhaati ah sidi hadh iyo habeenba loo caayi jiray, xitaa la gaadhsiiyay in la yidhaahdo ‘Dhengad ayaan kaga soo saaraynaa madaxtooyada’ taasi waxay kuu cadaynaysaa dulqaadkii uu lahaa Mudane Daahir Riyaale, mudadii uu xilka hayay wuxuu aad uga so horjeeday inay dalka yimaadaan ama ay soo galaan dadka Somaliland u dhashay ee aaminsan Fikirka Somaliwayn, taas oo laf dhuun gashay ku noqotay kuwii fikirkaa aaminsanaa.




Lasoco Qaynaba Danbe: wax yaabaha lagu xasuusto Daahir Riyaale Kaahin


By: Mohamed Hamud Ali

Hamudson@hotmail.com

Mobile: 063-4125186