Dhiig Miiradka Yuhuuda Oon Ku Koobnayn Kaliya Reer Falastiin Xogo La Helaya Qalinkii Mohamed Hassan Nuur "Daacad"‏

0
Tuesday July 29, 2014 - 00:05:08 in by Ankara Turkey
  • Visits: 1751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhiig Miiradka Yuhuuda Oon Ku Koobnayn Kaliya Reer Falastiin Xogo La Helaya Qalinkii Mohamed Hassan Nuur "Daacad"‏

    Dadka Degan Marinka Gaza Waxay Gaadhayaan 1.5 Milyan Oo Qof, Waxayna Xuduudo La Leeyihiin Masar Oo Ka Xigta Koonfur Galbeed Iyo Israa'iil Oo Ka Xigta Koonfur Bari,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Degan Marinka Gaza Waxay Gaadhayaan 1.5 Milyan Oo Qof, Waxayna Xuduudo La Leeyihiin Masar Oo Ka Xigta Koonfur Galbeed Iyo Israa'iil Oo Ka Xigta Koonfur Bari,

Waxaa Dhinaca Bari Ka Xiga Wabiga Urdun Dadka Ku Nool Daantaasi Galbeedna Waxa Ay Gaadhayaan 2.4 Milyan, Waana Halka ay Ku Taato Khadka Cagaaran Amaba Se Akhtarka Oo Ay Yuhuudu Sameeyeen Sanadku Markuu Ahaa 1949kii Oo Ah Oo Amintii Uu Dhamaaday Wakhtigii Uu Soo dhamaaday Dagaalkii U Dhexeeyey Yuhuud Iyo Carab, Waana Meesha Uu Maro Xadka Xaqdarada Ah Ee Ay Yuhuudu Ku Sheeganayso Dhulka Falastiin Ee Marinka Qaza.

Hadaba Xadka Ay Falastiin La Leedahay Israa'iil Ayaa Waxay Dawlada Israa'iil Bilawday 2002 Inay Dhisto Darbi Aan laga Tallaabi Karin Ama Se Laga Gudbi Karin oo Ay Ka Dhistay Dhulka Ay Sheeganayso Yuhuudu Xoogana Ay Kudoonaysom Gidaarkani Waxa Uu ka Dhisan Yahay Daanta Galbeed Ee Marinka Gaza "West Benk" Waxana Uu Dhererkiisu Gaadhayaa 650KM.

Ujeedada Iyo Hadafka Ugu Weyn Ee Ay Israa'iil Ka Leedahay dhismaha Darbigan Ayaa Ah Inay Ku Andacoonayso Inay Iskaga Difaacayo Weerarada Iyo Dagaalka Kaga Imaanaya Kooxaha Xoriyada U Dirirka Ah Ee Reer Falastiin, Gidaarkani Waa Mid Aad u Casri Ah Waxa Uu Ka Dhisan Yahay Ama Ka Samaysan Yahay Siligyo Fiilooyin U Adag Sidoo kale Waxa Darbigani ku Jira Oo Laga Sameeyay Macdano Dhererkoodu Gaadhayo 7KM.

Waxaa Iyaduna Xusid Mudan in Israa'iil Ay Dhistay Gidaaro Aad u Waaweyn Oo Ay Kasamaysay Xusuudaha Iyo Xadadka Ay La Leedahay Dalal Badan Oo Muslim Ah Waxaana Kamida Ah Wadamadaa Jordan, Syria Iyo Lebanon.

Si Kastaba Ha Ahaatee Qorshahan Yuhuudu Isaga Samaynayso Xuduudaha Wadamada Muslimiinta Ah Gidaarada Ayaa Cadaynaysa Cadaawada Ay U Qabaan Umada Muslimiinta Ah, Hadaba Akhriste Gidaarka Ay Yuhuudu Sida Xaqdarada Ah Uga Dhisanayso Marinka Qaza Ayaa Ah Mid Qorshahoodu Salka Ku Hayo Qorshe Uu Dajiyay Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Wadanka Israa'iil Ariol Sharon, Sanadku Markuu Ahaa 1983, Isagoo Wakhtigaasi Ahaa Wasiirka Difaaca Ee Dawlada Israa'iil.

Sharon Uma Ay Suurto Galin Inuu Hirgaliyo Darbigan Uusida Xaqdarada Ah U doonayay Inuu Ugu Kala Xidho Dhukja Reer Falastiin Oo Uu Sheeganayay Inuu Dhulkani Ka Mid Yahay Dhulka Ay Yuhuudu Iska Leedahay, Hadaba Wakhti uu Sharon Booqasho Ku Tagay Masjidka Barkaysan Ee Al Aqsa Kacdoono Iyo Dood Ka Dhashay Dabadeedna Waxa Uu Hir Galiyay Darbigan Ilaa Maanta Muslimiinta Gaza Lagu Duudsinayo Xaqoodu Taariikhduna Waxay Ahayd Sanadkii 20020dii.

Sidaasi Oo Ay Tahay Hadana Yuhuudi Ma Daynin Isku Balaadhinta Iyo Fiditaanka Ay Ku Fidayso Marinka Gaza Taasi Oo Sanadii 2005 tii Dib U Bilawday Guryo Dhiska Iyo Deegaamaynta Ay Kuwado Yuhuudu Dhulka Falastiin Gaar Ahaan Marinka Gaza Waxaanay Taasi Keentay In Yuhuudi Ay Wali Gacanta Ku Hayso Ilaha Muhiimka Ah Ee Ay Leedahay Gazi Sida Garoonka Diyaaradaha Iyo Xeebaha Waxaanay Yuhuudu Ku Indha Adaygtay In Ay Marinka Gazi Ay Kamid Tahay Dhulka Ay xukunta Dawlada Israa'iil, Hadaba Si Aynu Taa u Xaqiijiyaan Ayay Maalin Walba Ka Wadaa Marinka Gaza Dil, Boob, Dhac Iyo Xasuuq Aad U Ba'an Oo Ay u Gaysanayaan Haweenka Iyo Caruurta Reer Falastiin, Taasi Oo Mar Walba Lagu Kala Dhex Galo Xabad Joojin Aanay Wakhtigeedu Sii Waarayn.

La Soco Qaybta Dambe Oo Aan Kusoo Bandhigi Doono Maanso Aan Kasoo Dheegay Maankiyo Maskaxdayda Kana Turjumaysa Sida Uu Damiirkaygu u Diiday Uguna Damqaday Dilka Iyo Duqaymaha Ay Yuhuudu Ku Hayso Kana Wado Marinka Gaza Waana Wax Uu Ka diiro Damiirka Qofkasta Oo Muslim Ahi Lana Yimaaday Iimaan dhab Ah Iyo Rumayn Uu Rumeeyay Ilaahay Iyo Rasuulkiisa



WABILAAHI TAWFIIQ

Qalinkii: Mohamed Hassan Nuur "Daacad"
Sanca/Yemen
Daacad_h@hotmail.com