Mane Mise Hazard? – Firmino Mise Morata? Yaa Kasoo Muuqday Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Laga Diyaariyay Kulanka Caawa Dhexmari Doona Liverpool & Chelsea.

0
Saturday November 25, 2017 - 11:36:36 in by Burco Office
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mane Mise Hazard? – Firmino Mise Morata? Yaa Kasoo Muuqday Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Laga Diyaariyay Kulanka Caawa Dhexmari Doona Liverpool & Chelsea.

    Mane Mise Hazard? – Firmino Mise Morata? Yaa Kasoo Muuqday Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Laga Diyaariyay Kulanka Caawa Dhexmari Doona Liverpool & Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mane Mise Hazard? – Firmino Mise Morata? Yaa Kasoo Muuqday Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Laga Diyaariyay Kulanka Caawa Dhexmari Doona Liverpool & Chelsea.

Labada kooxood midkoodna lama dhihi karo wuxuu ku jiraa qaabkii ugu wacnaa madama aysan fadhiyin booska koowaad ee horyaalka walow Blues ay yahiin difaacdayaasha Premier League isla markaana ay tahay in lagu tixgeliyo.

Guulahii xiriirka ahaa oo ay Liverpool gaareysay kulamadii ugu dambeeyay Arbacadii ayaa lasoo afjaray markii ay marti u noqotay kooxda Sevilla markaas oo 3-3 barbaro ah ay soo galeen kulan cajiib ahaa, halka Blues ay iyana Azerbaijan ku booqatay kooxda Qarabag iyagoo xaqiiqsaday usoo bixitaankooda 16-ka kadib markii ay guul 4-0 ah heleen.

Si kastaba oo ay xaaladda labada kooxood ahaato, shabakaddaGOALee ka mid ah kuwa ugu weyn dunida madama laga hirgaliyay in ka badan 30-dowladood oo caalamka ah ayaa doortay shaxda isku dhafka ah ee kulankaan.

Chelsea ayaa ku badan oo shaxdaan ku yeelatay 7-xidig, halka Liverpool ay ku yeelatay kaliya 4-xidig waxeyna ku qiimeeyeen bandhigyada ciyaartoyda iyadoo layaabka ugu weyn uu yahay in laga waayay N’Golo Kante iyo Sadio Mane.

Goolhaye:THIBAUT COURTOIS (Chelsea): Inkastoo labada goolhaye ee Thibaut Courtois iyo Simon Mignolet aysan ku jirin sidii ugu fiicneed, hadana goolhayaha Blues ayaa hooskiisa galin kara dhigiisa Simon kadib markii uu shabaqiisa ilaashada 6-kulan, wax gool ahna lagama dhalin muddo bil ah.

JOE GOMEZ (Liverpool):Daafacaan da’da yar wax badan kooxda kama soo muuqan, balse sidii uu isku baray macalinka qaranka England ayaa keentay in mar walba loo arko mid wacan, waana wax naxdin leh hadii la arko isagoo ka maqan safka koobka Aduunka ee qarankiisa.

ANDREAS CHRISTENSEN (Chelsea):Daafaca da’da yar ee dalka Denmark ayaa ka fa’ideystay dhibta ay ku dhex jiraanGary Cahill, David Luiz iyo Antonio Rudiger kuwaas oo aan hanaan wacan soo bandhigin. waana mid ka mid ah daafacyada da’da yar kan ugu fiican yurub, layaab ayey noqon doontaa hadii uu Conte ka tago wiilkaan kulanka Liverpool.

CESAR AZPILICUETA (Chelsea):Inkastoo bishii October uu soo bandhigay bandhig aan qurux badneyn hadana wuxuu kusoo laabtay sidii ugu waneed, sida uu weerarka uga qeyb qaato ayaana ah wax kale oo la xuso. sidoo kale goolkii guusha uu ka dhaliyay Watford iyo caawinta uu u sameeyo Alvaro Morata ayaa soo celisay hanaanka Conte.

TRENT ALEXANDER-ARNOLD (Liverpool):Waa da’yar kale oo iftiimiyay waqtigiisa Reds, Alexander-Arnold wuxuu si fiican uga hawlgalaa dhanka weerarka. sidoo kalana hanaankiisa daafaca waa mid wacan.

Si kastaba liiskaan waxaa kasoo muuqday sidoo kale khadka dhexe Cesc Fabregas oo si wacan uga qeyb ahaa kooxda Blues mudooyinkii dambe iyo Philippe Coutinho, halka dhanka weerarka ay kasoo wada muuqdeen Hazard, Morata iyo Salah.

Layaabka jira wuxuu jira in shaxdaan aysan kasoo muuqan Sadio Mane iyo N’Golo Kante iyadoo xidiga reer France uu dhaawac kasoo laabtay dhawaan sidoo kalana Mane uu isna dhaawac noqday dhaw jeer.