Meherkii Qarniga oo Ciidkii u Dhacay Mudane Cali Axmed Cabdilahi iyo Marwadiisa Nimco Cali Shugri

0
Tuesday July 29, 2014 - 11:08:45 in by Super Admin
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meherkii Qarniga oo Ciidkii u Dhacay Mudane Cali Axmed Cabdilahi iyo Marwadiisa Nimco Cali Shugri

    Meherkii Qarniga ayaa shalay oo Ciid ahayd ka dhacay Hotel City Palaza ee Magaalada Burco, Waxan Goobta Soo Camiray, Waayeel, Waxgarad, Masuliyiin, Culimo awdiin iyo Dhalinyaro ka kala timi Gobolo iyo Degmooyin kala duwan oo Dalka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meherkii Qarniga ayaa shalay oo Ciid ahayd ka dhacay Hotel City Palaza ee Magaalada Burco, Waxan Goobta Soo Camiray, Waayeel, Waxgarad, Masuliyiin, Culimo awdiin iyo Dhalinyaro ka kala timi Gobolo iyo Degmooyin kala duwan oo Dalka ah.


Madashaas Waxa Fadhiyey Guddomiyaha Jamacadda Burco Prof Saleban Dirir Abdi, Guddomiyaha Guddiga Wanaagfarista iyo Xuman reebista Dr. Raage, Xildhiban Abdirashid Farah, Xildhiban Farhan Abdi Aw Hirsi iyo Xildhiban Cabdirsaq Aar oo ka mid ah Golaha deganka Burco, Maamulaayasha Dugsiyo tiro badan oo gobolka kuyaal, Macalimiin, Ardayda Jamacaddaha Camuud, Burco, Gollis, Admas, Hargesa iyo SOS –Sheekh, Xubno Qurbajoog ah, Ganacsato Caan ah, Masuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga Qaar ka mid ah, iyo Haldoorkii Dhalinyarada Gobolka, munasibadda meherkan Waxa Duco iyo Dardaaran ka jediyey Culimo awdiin, masuliyinta iyo waxgaradkii Goobta fadhiyey, waxay ahayd madal uu ka dhacay kaftan badan iyo qosol badani, waxan la isugu xalaaleeyey oo la isugu guuriyey

 Mudane Cali Axmed Cabdilahi 

iyo

Marwadiisa Nimco Cali Shugri

Haddaba Dadkii madasha fadhiyey ee Nooc walba lahaa waxay ugu duceeyeen Qoyskaasi cusub ee Maalinta Farxadda Ciida is guursaday in ilaahay isu barakeeyo (Baarakalaahu Lakuma Wabaaraka Calaykuma Wajamaca Baynakuma Filkhyr) Aamiiin Aaamiin