Yaa Midgaan aha?- Su,aal –Ubaahan Jawaab Waafiya WQ: Mukhtar Nadaara

0
Tuesday July 29, 2014 - 11:48:04 in by Super Admin
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Midgaan aha?- Su,aal –Ubaahan Jawaab Waafiya WQ: Mukhtar Nadaara

    Waxaan salamayaa dhamaan Umada Islaamka ,iyo Umada Ku hadasha ,Afka Soomaliga Meel kasta Oo ay ka joogaan Daafaha ,Daacalada Aduunka .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salamayaa dhamaan Umada Islaamka ,iyo Umada Ku hadasha ,Afka Soomaliga Meel kasta Oo ay ka joogaan Daafaha ,Daacalada Aduunka .


Intaa ka dib,runtii waxaan Maanta Doonayaa inaan Qalinka u hosho su,aal aanay Soomalidu Runta ka sheegin Eraygan aan doonayo ,inaan manta Dhex-mushaaxo ,iyadoo laga yaabo inay jiraaan Dad Aqoonban iga leh Eraygan ,laakiin aan runta aanay ka sheegin ,wallow laga yaabo inay qaarna Runta iyo Xaqiiqadaba ay ka sheegeen ,laakiin aan laga yaabin Inaan Cidi ka qaadan Macanaha iyo Miisaanka ,Qaldaneed Ee ay soomalidu ku fasirto,Eraygan?

Hadba Eraygan Aan sheegidiisa idinku dheereeyaay maah Eray aynin maqlin Laakiin waa Eray aad maqasho ,Sanadkasta ,Bilkasta ,Maalinkasta,Habeen kasta ,Gelin ,Hore ,Gelin Danbe ,Sacaadkasta ,Minute-kasta ,Eeraygaas ,oo aad aaminsanahay Hadii lagugu yidhaahdo adigaagan imika Akhriyaya qoraalka inaad xanaaqayso,Oo aad ku siganayso,inaad Dagaalanto,hadaanad dagaalaminba ,hadaba aan u soo dego ,ujeedada Odhaahdaydan ,aan doonayo inaan ku Qeexo macanaha ,dhabtaa Ee uu leeyahay Eraygan La yidhaahdo Midgaan ? eraygaas oo aad loogu sheego beel ka mida beelaha Dega soomaliland iyo guud ahaanba dega Geyiga soomaliyeed,beelahaas oo eraygaa aawadii la kulma dhibaato ,Niyad jab ,Fogayn,Cadaadis ,Kaftan ,xumo,Degenaansho ,xumo,taas oo ay kala kulmaan Beelaha kale ee dega Geyiga soomliyeed ? hadaba bulshooy waxaa fiican inaan Eraygan Midgaan ayaad tahay inaynu runta ka sheegno oo aynu Xaqiiqada aynu ka taabano,oo aynu xaqiiqada is taabsiino,si aynu u fahano macanaha eraygaas ,iyo Eerayo kaloo badan oo ayaaynaan Marnaba ,sida uu yahay aynaan uga hadlin laakiin Qarintaa aynu Erayadaa aynu ka wer wereegayno ay noqondoonto saamaynta ugu weyn Ee soo maridoonta soomalida 25sano ee soo socda ,taas ,oo aad ogaandoontaan hadii alle idin daayo qaarbadan oo idinka idinka midana ay xasuusan doonaan qoraalkan markaa ,hadaba mawduuc gaara ayaaynu ka dhigidoonaa sida uu samaynta igu yeelanayo ,sanooyinka soo socdee ,imika aan sii anba qaado  ujeedka,mawduucan ,maanta ,oo runtii aan odhankaro waxaa looga bahanyahay dhalintan waxa baratay inay sida  xaqiiqadaa uga hadlaan ,oo ay sheegan doorkoodan ,ku aadan inaan Eeraygan loo isticmaalin sidii uu ahaa oo uu ka macno weyn yahay in lagu sheego ,qof leh dhamaan sifooyinkaad leedaho,tusaale aan soo qaadano ,siday kala  yihiin dhaqamada soomlida kale iyo dhaqamada Walaalaheen aynu xaqdarada ugu magacawnay Migaamin? Car markaas waxaad sheegtaa hal Qodob oo aynu ku kala duwanahay  isu eegna waa sidane ;-

ü Soomalida Tidhi Midgo ma nihin sifooyinkooda:-

ü Waxaa ku Abuurtay,ilaaahay. *waxaa ku dhalay Aabo,Iyo ,Hooyo.

ü Waxaad ku dhalatay 9Bilood. *waxaa laguu bixiyay Magaca.

ü Waxaad Sheegataa Hayb.         *Waxaad gashaa Guri.

ü Waxaad bartaa Tacalin.             *Waxaad Degtaan Daafaha Aduunka.

ü Waxaad Heshaa shaqo           * waxaad qabtaa xil&Waxaad yeeladaa xile

ü Waxaad yeelataa xidid        *waxaad ku hadashaa afsoomali&Arabic&En

ü Waad dhimataa waa lagu aasaa.*waa lagu dhaxlaa & iyo waxyaalo badan oo kale oo aad leedahay ayaa jira hadaba nolashu waa intaa iyo inkaloo la mida ,sidaas oo ay xaqiiqadu tahay bal aan eegno sifooyinkan aynu leenahay ,inay inaga duwan yihiin ,haday waxa inaga duwanaadaan aan idin qirayaa in ay ku haboontahay inay eraygaa loo isticmaalo ,laakin xagiina ,idinku maxaad ii qiraysaan Haddii aanay waxa inaga duwanaan ,iskaba daa inay waxa inagaga duwanaadaan ,oo iyagabaa inooga dhaw 1-Xaga Ilaahay , 2-Xaga Aakhiro, 3-Xaga dhaqanba ,markaas ayaan u degidoonaa warbixinkaloo qiimo badane horta aynu Eegno sifooyinkooda ,iyaguna,waana sidan ee dheehasho wanaagsan ,Oo ilaahayban kugu dhaarshee runta,ka sheeg,markaad isu eegto sifooyinka ,miyaay  istaahilaan in lagu sheego  midgaamin,iskana ilaali iska caabintii soomalida,fadlan :-

ü  Sifooyinka ,Soomalida Laydhi Waa Midgo,bal si wacan u Eeg?.

ü Waxaa iyagana Abuurtay Ilaahay waana kula mid Qodobkaa.

ü Waxaa dhalay Aabo iyo Hooyo inayna waa kula mid Qodobkaas.

ü Waxay ku dhasheen sagaal Bilood ,Waana kula mid Qodobkaas.

ü Waxaa loo bixiyaa Magaca Weliba laga yabo inuu kaa qiimo badanyahay

ü Waxaysheegtaan Hayb taada la mida waana kula mid qodobkaas.

ü Waxay galaan Guri Qiimo badan ,oo laga yaabo inay inaga guri qurux badanyihiin,oo laga yaabo guryaha qaar inaanay ku jirin somalida kale.

ü Waxay bartaan aqoonta Maadi-Diiniba Oo laga yaabo inay inagagaba fiicnaadaan ,xaga diiniga iyo maadigaba ,waana kula mid qodobkaas.

ü Waxaay helaan shaqo ,aan lagu siin hayb sooc laakin lagu siyaay Aqoon.

ü Runtii ma dhamayn karno waxaas oo qodobaa laakiin waxaad ogaataan ,inay dhamaan qodobaas iyo qodobo kala ay inagala simanyihiin.

Markaas aan u soo noqodo,ujeedkee markaad ilaahay ka baqdo,markaad iska laasho,faankii caadadeena ahaa,markaad isha midig ku jaleecdo in aakhri-loo noqonaayo,markaad si waafiya u xasuusato ,aayado ,badan oo ilahay quraanka ku leeyahay Ummadayda ii nabad geli aad xasuusato,miyaay istaahilaan Dad walaaldaas ,oo kalaa,Dad kula ,Dhaqana,Dadkula Diina ,Dad kula Dabeecad ,Dad kula ,Derisa ,inaad ku tidhaahdo waxaad tihiin midgo? Su,aasha idinkaan idin daynayaa ,jawaabteeda waanaan idinka sugayaa .

Guntii Geba Gebadii :Yaa midgaan aha? Waaa maxay Calaamdaha Qofka midgaankaa? In Qof walaalkaaya oo kula Cibaadaysanaya aad ku tidhaahdo midgaan ?maxaad dareemaysaa?,waa maxay Ciqaabta aduunyo iyo Aakhribo Ee Qofkaas ,iyo runtii mawduucyo kaloo qiimo badan ayaan ka hadlidoonaa hadii alle idmo ,laakiin waxaan idinkula dar-daarmi laahi waar ilaahay ka baqa Dadkan aad ku magacaabaysaan ,Midgaan maah way ka qiimo badanyihiin,ka sumcad badanyihiin ,waxaanad wada ogtihiin cida midgaanka noqonaysa,inay leedahay sifooyin Xun –Xun Oo Qiimo Daran ,Oo Ciil kaanbi  badan ,mooraal jab xunban ,Aayatiin xun ,Bilaa Naxariisa ,oo aan xitaa calaacal waxba kuu qabanayn Ee markaa waxaan odhan laahaa Qarnigani ha noqdo Qarnigii Tacliinta Ee Yaanu Noqon Qarnigii Hida Raaca ,oo Ilaahay Cafis ha la waydiisto.

NB: waxaan idin soo qoridoonaa hadii alle idmo sidii aan weligaa laguugu maqlilahayn inaadku dhawaaqdo Eerayga midgaan insha allah.

Intaas ayaan ku joojinayaa Ee insha aallah,la soco Qaybta labaad oo faah-faahsan . 


Prepared:Mukhtaarjanan Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Tell:0634431347

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

Burao/Somaliland