Xildhiban Cabdilaki oo Dhambaal hambalyo ah u Qaybiyey Warbaahinta Munasibadda CIIDUL FIDRIGA awgeed

0
Tuesday July 29, 2014 - 11:56:33 in by Super Admin
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban Cabdilaki oo Dhambaal hambalyo ah u Qaybiyey Warbaahinta Munasibadda CIIDUL FIDRIGA awgeed

    Xildhibaan Cabdi laki Xasan Nuur oo kamida Golaha deegaanka Burco ayaa Warbaahinta soo gaadhsiiyey qoraal hanbalyo ah oo uu u Diraayo Shacabka Somaliland iyo Ciimada Qaranka JSL, waxaana qoraalkaasi u dhignaa sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdi laki Xasan Nuur oo kamida Golaha deegaanka Burco ayaa Warbaahinta soo gaadhsiiyey qoraal hanbalyo ah oo uu u Diraayo Shacabka Somaliland iyo Ciimada Qaranka JSL, waxaana qoraalkaasi u dhignaa sidan:

Dhamaan Umada Muslimka ah Gaar ahaan Shacabka reer Somaliland Ciid Wanagsan, Ilaahay Ciidaa Ciideeda haynagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, caafimaad qab, Shacabka JSL gaar ahaan kuwa Reer Burco waxaan idin leeyahay ciid mubaarik.

Halkan waxaan hanbalyo munaasiabda ciidul fidriga awgeed uga dirayaa dhamaan umada somaliland gaar ahaan kuwa reer togdheer , waxaan sidoo kale u dirayaa Ciidamada Qaranka JSL mid taas lamida waxaan u dirayaa dhalinyarada somaliland.

Waxaanu kusoo jirnay Bishii barakaysnayd ee RAMADAAN oo aanu soo somanayn ilaahay dartii Alxamdulilaah hadii maanta aan ku ciidayno Caafimaad iyo nabaq qab, ilaahay ramadaankii aanu soo soonay Ajarkeeda hayna wada siiyo ilaahay hanaga yeelo kuwa cadaabta laga xoreeyo maalinta qiyaamaha.

Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxay waxaan ognahay inay tahay bil cibaado , sidoo kale wuxuu alle quraankiisa inoogu sheegay inuu ku jiro Habeen ka khyer badan 1000-habeen kuwii ajarkaa iyo xasanaadkaa shaqaystay ilaahay haynaga yeelo.

Hanbalyo waxaan u dirayaa munaasibada ciida awgeed Ciidamada Qaranka JSL ee jooga Ciida hore kuwaas oo aan habeen iyo maalinba iyaga ku seexano gaadhka inaga hayo, waxaan leeyahay" hanbalyo Cadawgiin ha jabo ilaahay haydin guuleeyo anaguna garabkiina ayaan taaganahay marwalba".

Dhalinyarada Somaliland oo ah ubaxa wadanka iyo mustaqbalkii wadanka oo ay ku jiraan Madaxdii beri bedeli lahayd kuwa maanta jooga mudana in la dhiiri geliyo markasta oo lays barbar taago waxaan leeyahay hanbalyo idinkuna meelkasta oo aad joogtaan waxaan leeyahay " Dhalinyaroow hanbalyo munaasibada ciida awgeed waxaan intaasi idiinku darayaa noqda kuwii u dedaala Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda" ilaahayna khyerka hayna waafajiiyo aamiin aamiin.

Wabilaahi Tawfiiq

Xildhiban Abdilaki Xasan X. Nuur 
Xubin Golaha Deegaanka Burco