Wasiir Xuseen Cabdi Boos Oo Ku Fashilmay Siyaasada Gobolada Bariga Somaliland

0
Monday December 04, 2017 - 13:55:39 in by Burco Office
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xuseen Cabdi Boos Oo Ku Fashilmay Siyaasada Gobolada Bariga Somaliland

    Wasiir Xuseen Cabdi Boos Oo Ku Fashilmay Siyaasada Gobolada Bariga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Xuseen Cabdi Boos Oo Ku Fashilmay Siyaasada Gobolada Bariga Somaliland Xuseen Cabdi Boos wasiirka wasaarada biyaha Somaliland ahna masuul laga soo doortay gobolada bariga Somaliland ayaa ku fashilmay hawlaha loo igmaday ee uu qaranka u hayo. Wasiirkani ayaaa aan ilaa hada waxba ka qaban hawsha loo igmaday ee wasaarada biyaha, taasi oo boqolkiiba sideetan ay bulshoweynta qaranka Somaliiland u go'ayaan biyo la'aan iyo haraad. Wasiirkan ayaa inta badan ku andacoda inuu fuliyay mashaariic la xidhiidha dhanka biyaha, hase ahaate sida muuqata waxaa uu ninkani ku takrifalay hantidii qaranka ee loogu talagalay in wax loogu qabto bulshada talaabeysan ee hada uun ka soo doogey abaartii Sima ee dad iyo duunyadsba saameysay. Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirkani mid ka mida shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka uu sheer ku leeyahay, taasi oo ah mid cadeyn iyo marag ma doon u ah u tahay sida aanu geedna ugu gaban lunsiga hantida qaranka. Sidoo kale waxaa ay wararku intaasi ku dareen in dhawaan la galin doono odet, kaasi oo lagu soo bandhigi doono hantiada umada ee luntay. Dhanka kale waxaa ay wararku intaasi ku dareen inaanu wasiirkani khibrad iyo aqoon midna u laheyn hawsha uu qaranka u hayo ee loo igmaday, islamarkana sifada kaliya ee uu ku kasbasday booskan uu hayo ay tahay hanaan beelaysan oo aan geedna loogu gaban