Hordhac: Group C: Chelsea vs Atletico Madrid, Roma vs Qarabag – Rajada Liidata Ee Wiilasha Simeone & Hamiga As Roma Ee Wareega 16-ka Oo Tartami Doona.

0
Tuesday December 05, 2017 - 11:41:38 in by Burco Office
  • Visits: 913
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Group C: Chelsea vs Atletico Madrid, Roma vs Qarabag – Rajada Liidata Ee Wiilasha Simeone & Hamiga As Roma Ee Wareega 16-ka Oo Tartami Doona.

    Hordhac: Group C: Chelsea vs Atletico Madrid, Roma vs Qarabag – Rajada Liidata Ee Wiilasha Simeone & Hamiga As Roma Ee Wareega 16-ka Oo Tartami Doona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Group C: Chelsea vs Atletico Madrid, Roma vs Qarabag – Rajada Liidata Ee Wiilasha Simeone & Hamiga As Roma Ee Wareega 16-ka Oo Tartami Doona.

Caawa sheekada ugu xiisaha badan waxey ka jirta group C oo ay ku wada jiraan sadex kooxood oo waaweyn labada mid ah ay is wajahi doonaan hase yeeshee laba kaliya ayaa isku heysta hal boos waana Atletico Madrid & As Roma walow aysan wada ciyaari doonin.

Atletico Madrid waxey leedahay rajo aad u hooseysa madama ay sugeyso in Qarabag ay guuldaro dhabarka u saarto As Roma iyana ay Stamford Bridge guul kaga gaarto Chelsea, waana sheeko lagu saadaaliyay 10%.

Si kastaba wiilasha Diego Simeone waxey imaan doonaan galbeedka London iyagoo ka war qaba in Qarabag ay booqaneyso caasimadda talyaaniga, farqiga u dhaxeeya Roma & Atletico Madrid waa kaliya laba dhibcood.

Chesea goor hore ayey xaqiijisay iney usoo baxday wareega xiga ee Champions League, halka Qarabag ay xaqiijisay iney gurigeeda isaga laaban doonto madama ay kaliya 2-dhibcood shaqeysatay mana lahan rajo ay kaga qeyb gasho Europa League.

Chelsea vs Atletico Madrid

Kulankaan wuxuu kusoo aadayaa xilli ay kooxda reer Spain u baahan tahay guul ay gaarto iyadoo ka war qabta iney kusoo guuldareysatay gurigeeda Wanda Metrapolitano kulankii ugu horeeyay ee ay labada kooxood is wajaheen markaas oo looga adkaaday gool uu waqtigii dhimashada dhaliyay Michy Batshuayi.

Chelsea waxey lumin kartaa booska koowaad hadii ay guuldaro kala kulanto Atletico Madrid isla markaana ay guul soo gaarto Roma, balse mar walba soo bixideeda muran ma lahan goor hore ayeyna xaqiiqsatay.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Chelsea vs Atletico Madrid

Tartanka: Champions League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Danny Makkelie (Netherlands)

Maxaa Ka Cusub Kulanka?

David Luiz ayaa ka maqan kooxda martida loo yahay si la mid ah Mosonda ayaa kooxda dhaawac uga maqan.

Antonio Conte wuxuu kasii fakarayaa kulanka West Ham ee horyaalka, waxaana la filayaa in caawa la adeegsado Batshuayi.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Dhamaan rikoorka labada kooxood ee tartamada oo dhan waa mid siman, min 2-guul min 2-barbaro, 10-goolna waa iska dhaliyeen.

Atletico Madrid kaliya waxey guul gaareen hal kulan afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay kusoo ciyaareen kulamada banaanka Champions League iyagoo wajahaya kooxaha Ingiriiska, kaliya Stamford Bridge ayey kusoo badiyeen April 2014.

Chelsea ayaa gool dhalineysay 25-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Champions League gurigeeda ku ciyaartay. markii ugu dambeysay oo ay ku fashilanto waxey aheyd 2011 kulan ay wajaheen Man United.

Shaxda Macquulka Ah:

Chelsea:

Courtois; Azpilicueta, Christensen, Cahill; Moses, Kanté, Bakayoko, Alonso; Fàbregas, Hazard; Morata.

Atletico Madrid:

Oblak; Partey, Savić, Godín, Filipe Luís; Koke, Gabi, Saúl, Carrasco; Griezmann, Gameiro

As Roma vs Qarabag

As Roma caawa waxey u baahan tahay iney guul gaarto oo qura, wax dan ah ugama xirna kulanka Chelsea & Atletico hadii ay sadex dhibcood qaadato weyna soo bixi doontaa, balse waxey gacan uga baahnaan doontaa hadii ay guuldaro ama barbaro ka qaadato Qarabag markaas oo ay u baahan tahay in Blues ay guuleysato ama barbaro lagu celiyo Atletico.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: As Roma vs Qarabag

Tartanka: Champions League

Garoonka: Olympico Stadium

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Tobias Stieler (Germany)

Maxaa Ka Cusub Kulanka:?

Roma waxaa dhibaato ka qaba daafacooda midigKarsdorp iyo sidoo kale xidigoodaGregoire Defrel, halkaBruno Peres uu ganaax ku seegayo kulanka.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Marka qura oo ay labadaan kooxood is arkeen waa kulankii ka dhacay Baku bishii September ee lasoo dhaafay. Roma ayaana guul 2-1 ah soo gaartay.

Shaxda Macquulka Ah:

As Roma:

Alisson Becker; Florenzi, Manolas, Fazio, Kolarov; Nainggolan, De Rossi, Strootman; El Shaarawy, Džeko, Perotti

Qarabaga:

Šehić; Medvedev, Yunuszadä, Rzeźniczak, Guerrier; Garayev, Almeida, Míchel, Quintana, Madatov; Ndlovu