Hordhac: Barcelona vs Sporting Lisbon: Balaugrana Oo Kaliya U Ciyaareysa Iney Xaqiiqsato Booska Koowaad Ee Group-ka D.

0
Tuesday December 05, 2017 - 11:52:58 in by Burco Office
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Barcelona vs Sporting Lisbon: Balaugrana Oo Kaliya U Ciyaareysa Iney Xaqiiqsato Booska Koowaad Ee Group-ka D.

    Hordhac: Barcelona vs Sporting Lisbon: Balaugrana Oo Kaliya U Ciyaareysa Iney Xaqiiqsato Booska Koowaad Ee Group-ka D.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Barcelona vs Sporting Lisbon: Balaugrana Oo Kaliya U Ciyaareysa Iney Xaqiiqsato Booska Koowaad Ee Group-ka D.

Kooxda Barcelona ayaa caawa ciyaareysa kulankii ugu dambeeyay wareega group-yada waxeyna isku diyaarineysaa iney ka badbaado guuldaro sidoo kalana ay kusoo baxdo kaalinta koowaad ee group-ka D si ay wareega 16-ka uga badbaado kooxaha qaar.

Lionel Messi ayaa u baahan inuu hanaankiiga goolasha Champions League dib ugu soo laabto marka ay caawa wajahayaan Sporting Lisbon sidoo kalana wuxuu dhawr kulan kadib gool ka dhaliyay Celta Vigo.

Balaugrana hamigeeda wuxuu faa’iido u yahay Juventus oo xitaa hadii laga adkaado soo bixi karta waase marka ay Barcelona guul ku gaarto Camp Nou.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Barcelona vs Sporting Lisbon

Tartanka: Champions League

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Craig Thomson (Scotland)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Kooxda martida ku ah garoonka Camp Nou waxaa ka maqnaan doona daafacooda bidixJonathan Silva kaas oo aan soo safrin, halka Barcelona ay qabto dhibaatooyin kala duwan.

Samuel Umititi ayaa markii ugu horeysay ka maqnaan doona kooxdiisa kadib dhaawacii soo gaaray kulankii Celta Vigo, sidoo kale waxaa kooxda ka maqan Dembele, Turan, Mascherano iyo Rafinha.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Labadaan kooxood markii sadexaad ayey is arkeen September, Barcelona ayaa guul gaartay kulan ku dhamaaday 1-0, waxaana u raacay guul kaleoo 2-5 ah iyo mid kale oo 3-1 ah labaduna waxey gaartay 2008.

Shaxda Macquulka Ah:

Barcelona:Cillessen: Semedo, Piqué, Vermaelen, Digne: Gomes, Roberto, Denis Suárez: Deulofeu, Alcàcer, Messi

Sporting Lisbon:Patrício; Piccini, Coates, Mathieu, Coentrão; William Carvalho, Battaglia: Gelson, Fernandes, Acuña: Dost