
Taliyihii Saldhigga Degmadda Xaaji Saalah Ee Gobolka Daadmadheedh Oo Koox Hubaysani Xalay Toogasho Ku Dilee
Abaaro kowdii habeenimo ee Xalay ayaa Tuuladda Laan-Mulaaxo ee Gobolka Oodweyne lagu dilay allaha Naxariistii jano ha siiyee Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Marxuum Hure Sahal isagoo hawlo shaqo Wakhtigaasi u Joogay Tuuladda Laan Mulaaxo, oo katirsan Gobolka Daad-Madheedh.
Taliyihii Saldhigga Degmadda Xaaji Saalah Ee Gobolka Daadmadheedh Oo Koox Hubaysani Xalay Toogasho Ku Dilee
Xaaji-Saalax(AFKA)- Abaaro kowdii habeenimo ee Xalay ayaa Tuuladda Laan-Mulaaxo ee Gobolka Oodweyne lagu dilay allaha Naxariistii jano ha siiyee Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Marxuum Hure Sahal isagoo hawlo shaqo Wakhtigaasi u Joogay Tuuladda Laan Mulaaxo, oo katirsan Gobolka Daad-Madheedh.
Gudoomiyaha Degmadda Xaaji Saalax Khadar Cabdi Oday oo qaar ka mid warbaahintu la xidhiidhay ayaa sheegay in dilkan ahaa mid si fool xun u dhacey islamarkaana, aad looga aragagxey dhamaanba dadka Deegaanka Oodweyne iyo tuulooyinka hoos yimaada, kadib markii la dilay Taliyaha oo ku guda jira shaqadiisii Tuulada Laan-Mulaaxo oo katirsan Degmda Xaaji Saalax.
"Walaal Marka hore waxaan Tacsi u Dirayaa Dhamaanba ehelki,qoyskii iyo qaraabadii iyoAsxaabtii Iyo umadda Reer Somaliland ee uu ka Baxay Marxuunkaasi Dalka Iyo Dadka u Shaqaynayey, een Intaa Ka Dib Xalay kowdii habeenimo ayaa Hure Sahal Lagu Dilay Tuuladda Laan-Mulaaxo oo uu hawlo uTagay ShaLay waxaana Sida la sheegayo Taliyaha Loo Dilay aano hore oo u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo deegaamadan wada Daga kuwaasi oo Dilal Hore Isu Gaystay Markaa Hadda Weli Lama aasin Waxaan Kaloo Kuu Sheegayaa Weli in aan La Soo Qaban Gacan Ku Dhiiglayaashii Laakiin Raacdo ay ku Daba Jirto "Gudoomiyuhu Isagoo Hadalkiisa Sii Wata waxaa Uu Yidhi
"Runtii Xaaladdu Hadda Wey Kacsan Tahay Mana Jirto Cid Iskeed Isu Xilqaantay oo bilowday wax waan waan iyo wadda hadal ah xaaladduna waxay maraysaa s-o-s. Dawladda oo aanu arintan Gaadhsiinay ayaa noo Sheegay inay nagu soo maqan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka RRU da balse weli anaga namay soo Gaadhin”
Gabagabadii gudoomiyuhu wuxuu farriin u diray dadka ku nool deegaamadaasi oo Hadda Sansaan Colaadeed laga dareemayo waxaanu Yidhi:
"Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka walaalaha Ah ee wada degan waxaan leeyahay nabadgelyadda hala Ilaaliyo arrintana cagta haloo dhigo weli baadhitaan ayaa Socda Markaa Waxaan Idin ka codsanayaa in amaanka la sugo”
Saacaddihii u danbeeyeyna waxaa Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland iyo Magaala Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ka ambabaxay dayaal ,Salaadiin Iyo Waxgarad Badan kuwaasi oo uu Safarkoodu Qayb Ka Yahay Xalinta Dilkan.
Muddo haatan laga Joogo Ilaa laba Iyo Toban Sano Ka hor Ayey labadan beelood isu geysteen dilal balse intaa wixii ka danbeeyey waa laga heshiiyey waxaanay dhacdadan maanta noqotay mid argagax leh oo dib u hurisay colaad, saameyn culus yeelan karta taas oo aanu Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland wali wax gurmad ah ka galin dhacdada dilkan foosha xun leh ee ka dhacey tuuladaasi deegaanka Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne.
afka shacabka
Burco / office





0 

Taliyihii Saldhigga Degmadda Xaaji Saalah Ee Gobolka Daadmadheedh Oo Koox Hubaysani Xalay Toogasho Ku Dilee
Abaaro kowdii habeenimo ee Xalay ayaa Tuuladda Laan-Mulaaxo ee Gobolka Oodweyne lagu dilay allaha Naxariistii jano ha siiyee Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Marxuum Hure Sahal isagoo hawlo shaqo Wakhtigaasi u Joogay Tuuladda Laan M