Noloshu ladh iyo ciil badana!! WQ: Bashiir Raacdeye

0
Thursday July 31, 2014 - 17:15:38 in by Super Admin
  • Visits: 2307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Noloshu ladh iyo ciil badana!! WQ: Bashiir Raacdeye

    Waxaan ku calool galay caado.waxaan ku afartan baxay ceel-doog. Waxa laygu wanqalay cige.gugii lixaad markuu cimrigaygu galay,waxaan ka mid noqday ardayda bare cawil ee ceelka burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku calool galay caado.waxaan ku afartan baxay ceel-doog. Waxa laygu wanqalay cige.gugii lixaad markuu cimrigaygu galay,waxaan ka mid noqday ardayda bare cawil ee ceelka burco.


bare cawil; waa nin ceeb ka dheer.waa xeel-dheere xagga culuumta quraanka ah.dadku waxay ku majeertaan camal-wanaag iyo alle ka cabsi.caruurta xaafadda isagaa quraank bara.gugii sideedaad markuu cimrigaygu marayay ayaan ka najaxay madarisdii bare cawil.

waxaan ku biiray dugsiga c/laahi nuuri halkaas oo aan ku dhamaystay cilmigii hoose ,dhexe iyo sare.

caruurnimadaydadii;waxaan jeclaa ciyaarta kubada cagta inaan dheelo.waxaan aad u jeclaa inaan la ciyaaro markasta cawad,cawaale,cumar,cismaan iyo c/laahi oo aan isku dugsi ahayn.dhaammaantood way carceereen.waxayna u huleeleen halkii calafkoodu yaallay inkastoo cawaale iyo cumar ciidda lagu xabaalay markay marayeen saxaraha weyn ee liibiya iyo sudaan ku dhex yaalla,c/laahina waxa ku casheeyay libaax badeedka .

cawad iyo cismaan waxay ku nool yihiin dalalka norwey iyo Sweden,inkastay ciqaab iyo cadaab,cidhiidhi iyo ciil,cawaaqib iyo cabudhin xun ay mareen haddana waxay tageen halkii calafkoodu ku diyaarsana.

jiilalasha ciidoodi ka qaxay ma’aha oo keliya intaas ,laakin guutooyin culus oo yurub iyo maraykan u socdaalay ayaa jira,qaar caleentoodii ayaa saxaraha iyo badaha ku caddaatay,qaarna guulle ayaa cawad khayr qaba u qorsheeyay.haseyeeshee, cawaale,cawad,cumar ,cismaan iyo c/laahi, waxaan u calmaday;waa saaxibaddii caruurnimo ee aanu caysh iyo milix wadaagnay,caways iyo caruurnimo wadaaganay,waxaan se ka murugooda markasta geeriidii c/laahi iyo cumar inkastoo caleentoodu caddaatay!.naftkastana maalin ayay dunida ka socdaali oo ciida lagu xabaali,camalkiisa iyo cilmigiisa ayuun baa raaci.cuud wuxuu lahaa iyo ciddii laabtoodu ay caashaqdayna marka ciidda la hoose mariyo ayay ka soo dareeri!.ama quruunta cadaabta lagu shido ayuu noqon ama xuural-caynta jannada ayuu la ciyaari!.sarreeyow adiga caalim ah ee cidhib-dambayd kayga beeraha jannada ka yeel ,aniga iyo adoomaha u dhaqma cayn-kii iyo jiidkii suubanow maxamed(N.K.H).

anigu kama caraabin dhulkayga ee cilmi iyo aqoon ayaan raadsay.ciiddayda ayaan wax ku bartay.dadkayga iyo dalka ayaan cawilay.laabtaydu isaga ayay caashaqday.caruurnimo iyo ciil isaga ayaan kaga koray.inkastoo caro-edeg dhib badan ka cabanayso oo ciil badani hayo.caddaalad daro iyo cilad maamul xumo,cilmi-xumo iyo jahli,calafka wax-soosaarka, musuq-maasuq iyo calankayga oo aan dunida ka ruxmayn haddana guullahay caasiyi maaye,geygiga caro-edeg calaf iyo cunto laga waayo maayo, ma-caluul iyo gaajana loogu dhiman maayo.dugsiyada cilmiga lag durduurto iyo jamaacaduhu ceelkasta way ku diyaarsan yihiin.

Anigoo ceelka burco jooga,goor casar-liiq ah ayaan calmaday cawo.haasaawe iyo caashaq ayaan waayo wada-carbinay.habeen caddo ah oo dirirka cawleed galay ayaan hooyay.sagaal bilood iyo dhowr iyo toban cisho ka dib,waxay ku curay gabadh.waxaan u bixiyay cibaado.dhalashadi cibaado ka dib,waxa ifka yimi;cadnaan iyo ciise oo intuba nabad igula caweynayaa caawa nabadda awgeed. calaf allaa bixiyee!

Noloshu ciil iyo ladh badanaa!.ciqaab iyo xanuun badanaa!.adigoo caafimaad ku seexday maxaad cilad ku toosi?!.farxad adoo ku hoyday,maxaad cadho ku toosi?!.gaajo adoo ku seexday oo canbuul qaadhay iyo quulle dabagaalle calya-calyeey midna waayay,markaad cida diigga ku toostay ee aad sida shinbiraha hiirta waaberi calaf-doonatay,in yar ka dib,guulle sacabada iyo caloosha ku dhaamiyay.laba uun baad noqon markaasna;inaad guulle mahadiso iyo inaad caasido!.labadan calamadood midkasta adoomaha ayaa caanku ah!. Intii aan aduunka ka caweynayay ;waa wixii ay maskaxdaydu calaamadisay.

Qore; bashiir raacdeeye

Raacdeeye.1@gmail.com.

Burco,somaliland