Halkaraan oo Maktabada Qaranka Somaliland ugu Deeqday Buugaag Tiro Badan oo kamida Buugaagti Qoraa Cismaan Saalax+swiro

0
Saturday December 09, 2017 - 16:27:04 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaraan oo Maktabada Qaranka Somaliland ugu Deeqday Buugaag Tiro Badan oo kamida Buugaagti Qoraa Cismaan Saalax+swiro

    Wefti uu hogaaminayey Gudoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan oo uu kamid ahaa Qoraaga weyn ee Reer Burco Qoraa Cismaan Saalax Faarax kana mida odayaasha Naadiga halkaran ayaa gaadhay casimadda Somaliland ee hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu hogaaminayey Gudoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan oo uu kamid ahaa Qoraaga weyn ee Reer Burco Qoraa Cismaan Saalax Faarax kana mida odayaasha Naadiga halkaran ayaa gaadhay casimadda Somaliland ee hargeysa.

Weftigan oo lagu casuumay furitaanka Maktabadda Qaranka ee SIILAANYO NATIONAL LIBRARY oo uu hirgelinteeda laha madaxweynaha Somaliland Md Axmed Silanyo ayaa Deeqdi u horeysay ee ka timaada gobolada dalka gaadhsiyey maktabadaasi, iyago ku wareejiyey Guddomiyaha Maktabadda Eng Ahmed Dahir illaa 300 Saddex Boqol Buug oo isugu jiro kuwi uu qoray Qoraa cismaan saalax iyo kuwo aqoonta iyo cilmiga noocyadiisa kala duwan ah, sida Saynis, Taaaikh, Caafimaad, Xisaab, English, Cilmigaa kombuyutarka, Carabi, iyo Kutub Quraan ah.

Guddomiye Ahmed Daahir ayaa Weftiga ka socday Gobolka Togdheer gaar ahaan Nadiga Halkaran uga mahdceliyey Deeqda ay soo Gaadhsiyeen ee Buugaagta ah, isago xusay inay abaal ugu hayaan cid kasta oo ka qaybqaadata Soo Camirida Maktabadda ee Dhinaca Buugaagta.

Qoraa Cisman Saalax ayaa isna ku ammaanay gudomiye ahmed dahir fikrada uu keenay ee ahayd in library qaran lo dhiso Somaliland isago ballanqaday inanu ka hagran donin wixi tamartiisa ah.

Guddomiye Mustafe Osman magaalo ayaa isna Gudomiyha Maktabadda Qaranka ku bogaaadiyey dedaalka uu sameeyey isago madaxweynahana uga mahadnqay dhirigelinta hirgalka maktabaddaas loogu magac daray, wuxuna tilmaamay inay deeqdani tahay mid kooban oo lagu dhirgelinayo in maktabadaha kale ee dalkuna ka qaybqaataan sidi maktabadda qaranka xoog la isugu geyn laha si ay dhakhso ugu noqoto mid awood u leh inay warabiso oo ka haqabtirto buugaagta Maktabadaha kale ee Gobolada Dalka. Isago Ballanqaaday inay Maktabad kasta oo Somaliland uso korodha hormuud ka noqon doonaan abaabulkeeda iyo kaalmaynteeda.

Maaha marki u horeysay ee Naadiga halkaran uu Buugaag ugu deeqo Maktabad cusub oo bulshadu ka faidaysato, waxana uu noqonaya naadigi u horeeyey ee Buugag intas leeg ku darsada Maktabadda Qaranka.


No automatic alt text available.

 

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoor