Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

0
Sunday December 10, 2017 - 09:59:20 in by Burco Office
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

    Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa'iil magaalada Qudus.

Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Kolsii horreysay madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay inuu ku gacan seeri doono la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.

Madaxaha kaniiisadaha Masar ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Trump inuu iska dhaga tiray dareenka malaayiin Carab ah.

Waxaa kale oo ka jiray magaalada Qaza deganaansho la'aan kaddib dibadbaxyo ka dhacayay halkaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Daanta Galbeed ee Israil ay heysato.