Wariye Jimcaale Oo Maalintii 5aad Sifo Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Maayarka Gabiley

0
Sunday December 10, 2017 - 13:56:37 in by Burco Office
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Jimcaale Oo Maalintii 5aad Sifo Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Maayarka Gabiley

    Wariye Jimcaale Oo Maalintii 5aad Sifo Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Maayarka Gabiley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Jimcaale Oo Maalintii 5aad Sifo Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Maayarka Gabiley
Wariye Jimcaale Dayib Aw-Cali oo ka Tirsan Bahda Warbaahinta Ayaa Muddo shan Maalmood ah Sifo Sharci Darro ah ugu Xidhan Magaalada Gabiley.

Wariyaha oo Gabiley U safray ayaa dabin loosii maleegay lala eegtay iyada oo lagu xidhay Xabsiga magaalada Gabiley isla markaana si deg deg ah loogu Gudbiyey Jeelka Wayn ee Degmada iyada oo aan Wax waaran ah Loo keenin isla markaana Boolisku Awood u isticmaalay Xadhiga Wariyahan.

Xeer Ilaalinta Gobolka oo ayWarbaahintuwax ka Waydiisay Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Aw-Cali ayaa sheegay in uu u xidhanyahay Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Dheere oo Booliska Amray in la qabto.

Maayarka ayaa Wariye Jimcaale ku haysta Website uu u sameeyey Nin Qurbe Joog ah. Website kaasi Oo Lagu Baahiyey Muuqaal uu Dhibsaday Maayarka Gabiley, hasa yeeshee Muuqaalkaasi waa mid ay baahiyeen maamulka Shabakada Gabileynews.net sida ay sheegeen Maamulka shabakadu, mana aha mid uu lug ku lahaa Wariyaha xidhani "Website-ka anigaa leh wixii lagu baahiyana waa in aniga la igala xisaab tamo, Maamulka(Maayarka) waa la dhaliili karaa, shabadana wariyeyaal bay leedahay uga hawl gala Dalka oo dhan. laakiin Ninka Website ka Noo sameeyey shaqo kuma laha isagu Naqshada uunbu sameeyey laakiin Anagaa maamulnaā€¯ ayuu yidhi Mulkiisa Shabakada Gabileynews.net.

 

 

Dhinaca kale Booliska ayaa Wariyaha xabsiga Dhigay iyaga oo aan u marin Sifo Sharci ah, iyagoo Jabiyey Xeerarka iyo Qawaaniinta Dalka U yaala waxayna u muuqdaan kuwo Maayarka Gacan yara u ah oo isaga u shaqaynaya balse aan u shaqaynayn qaranka Somaliland.

Maayarka Gabiley oo aan haba yaraatee Wax Cadayn ah u hayn ayaa ka warwareegaya inuu Maxkamad horgeeyo Wariyaha uu ku Xidhay Sifada Sharci darada ah oo usoo Daliishanayo inuu Website Sameeyey. Hadii uu Sameeyey Macneheedu ma aha inuu ka masuul yahay wax kasta oo lagu daabaco Website kaasi. Website kasta oo jira-na waxa Sameeyey shaqsi ama shirkad, aan Saxaafad ahayn ama saxaafada ka mid ah, balse waxa Masuulka ah cidii loo sameeyey oo la wareegta maamulkiisa isla maalinta loo dhameeyo.

Hadaba wuxuu Maayarku xidhay Wariye Jimcaale isagoo Daliishanaya Macluumaadka Cida website ka samaysay iyo Shirkada Ajaanibka ah ee bixisa (HOSTING IYO DOMAIN Provider) ay kala qorteen, balse aan eegin Macluumaadka Cida Websiteka iska leh ee masuulka ka noqon karta wixii lagu daabaco, taasi oo u muuqata Jaahilnimo iyo iska indho tir xaqiiqada dhabta ah.

Maayarka Gabiley ayaa hore Heshiis Cabudhinaya Saaxafada uga Sexeexay Wariyeyaasha Gabiley kuwaasi oo lagula Nuxurkiisay ahaa in aanay Wax dhaliil iyo Tabasho bulsho Toona ka Gudbin Karin Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Dheere isaguna Wararka oo lacagtooda siin doono markay ay Sexeexaan.

Bahda Suxufiyiinta Somaliland ayaa Cambaareeyay Xadhiga Wariyaha oo aan loo marin Sifii Sharcigu lahaa oo Loo Qabtay sidii Qof wax Dilay oo kale