Su,aal –Ubaahan Jawaab Waafiya –Yaa Midgaan ah?Qaybtii-2aad.

0
Thursday July 31, 2014 - 18:12:50 in by Super Admin
  • Visits: 1392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su,aal –Ubaahan Jawaab Waafiya –Yaa Midgaan ah?Qaybtii-2aad.

    Dhaamaan akhristayaashayada sharafta iyo maamuska mudanow waxaynu dhawaan ka soo hadalnay qaybtii 1aad oo aynu aad ugu ugu faah-faahinay mawduucan qaybtiisii hore oo aynu uga danlahayn ,inay bal dhaamaan dareesiin siino shacabka ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaamaan akhristayaashayada sharafta iyo maamuska mudanow waxaynu dhawaan ka soo hadalnay qaybtii 1aad oo aynu aad ugu ugu faah-faahinay mawduucan qaybtiisii hore oo aynu uga danlahayn ,inay bal dhaamaan dareesiin siino shacabka ,


ku hadla afka soomaliga inay adagtahay in qof ilaahay kula abuurtay oo illhay sareeye Uu u sameeyaay samaca ,iyo basar sidaadaa,inaad ku samayso hadlo u badan deelqaaf ,kaas oo sidaynu soo sheeganay sababi kara cadaawad soo jireena ,Oo ku Guumawda ,Cadaawad,iyo Ciilqab,ka dhexe aloosma ,dhamaan qaybaha kala duwan Ee soomalida iyo Qalodan walaalaheena Ee aynu ku magacawnay dadka la haysooco,taas oo aan runta marka loo dhaadhaco ,aan wanaagsanayn,oo aan kuna wanaagsanayn Xagta ,Diinta ,Xaga Dhaqanka ,Xaga Deegaanka,Xaga Wada noolaanshaha ,iyo dhamaan Habsami u socodka bulsheed ,taas oo ay wanaagsantahay inaynu Isqabano,Istaabsiino Xaqiiqda ,,hadaan dacal kale idinka yar xagal daaciyo,bal kazoo qaad adigaan manta qoraalka akhriyaaya hadii lagu yidhaahdo,waxaad tahay Oo markaa lagugu sheego,Waxa aanad Ahayn,Waxa Aanad U qalmin ,Waxa aanad u Haboonayn Naftaada ,Nafta,Ehelkaaga ,Nafta ,Deegaankaaga,taasi miyaanay,kugu ahayn ,meel ka dhac ,iyo Qallad aan geedna loogu soo gaban,hadaba fadlan qof walooba ka soo qaad naftaada oo kale oo ilaahay ka baqa oo beeshani ,waa beel ka mida ,beelaha dega geyiga soomliyeed ,ee waxay kaa mudanyihiin Tixi-gelin ,iyomaamus,ee lasoco.

Aan dacal kale u wareege –Bal qofwalooba iswaydii xagay ka timi kelmadan ,Migaan ,iyo waxaynu u isticmaalo inagu? Markaas ayaad waxaad ogaanaysaa xaqiiqada dhabtaa ee jirta ,waxana dhabaa inay Maalin Maalmahan Ka qiimo badan ,Ka wel wel-xun ka Ehel la ,inay Qaarbadan oo imika isu haysta ,kuwa ugu qiimaha dheer ay noqondoonaan ,Maalintaa iyagu=Migaamin+Tacab,qasar+Cidla,aan,+Ciirsi la,aan ,Calaf,la,aan +Cirid Qaniin+toosna loogu magcaabidoono Midgaanka dhabtaa .

Walaalahay Ummada Afka soomaliga ku hadashay waaxaaidin kula talinayaa Naftayda ,iyo Nafihiinaba ,inaad Ilaahay ka Baqdaan Oo aynu iska yarayno Adeegsiga Eraygaa ,oo xataa hadaynaan iska yaraynay,aaynu ka dayno ,waxaxun Ee lagu tilmaamayo Midgaanka ? waayo? Waa beeldhan ,magaceed .

Xag-Kale aynu iska taagno,bal: Ka waran Qabiilkaaga magaciisa oo loo adeegsanayo,sida xun ,runta iisheeg oo maxad samayn lahayd dee wa la garanayaa oo waad dagaalamaysaa ,oo xataa Qaylo dhaantaada cidi fadhiyi-karimayso ,aan u jeedka soo dhaweeyee-aniga igama hadlin ,mayso Quud aan Qaatay ,iyo waxayaalo la midaa Ee waxaa iga hadlinaaya ,inaynu ku suganahay qalad toosa ,aan ilcad ku hayaa ,waxaayalaha ugu badan Ee Qoraalkan igu kelifay waxaa ka mida –Maalin-maalmaha ka mida aayaan is idhi kala dhexe gal oo kala bad-badi laba nin oo aan sxb nahay oo isu diyaarsaday inay Birta iska aslaan ,aniaga iyo rag kale oo aan saaxiibnahay ayaa guntiga u xidhanay inaan raga ku kala guntano,oo aan,kala bad baadino ilaahay ayaa waxa bad baadiyee ,waxaan nin walba gaarkiisa ula qaadanay meeting ama fadhi xalraadisa ,waran dheer oo nin walba na siiyaay ,waxay saaxiibaday ku soo cel celiyeen eraygan isagaa ee aha ‘’Waxan Xun Ee Midgaankaa ? yaab iigaara oo aan qabay saacado waxaan isna u tagnay sxbkaygii kale isna waxa uu adeegsaday Erayadii Oo kale ‘’Kulaaha –waxaan xun Ee Midgaankaa ,waxan xun ee Midgaanka ? yaab aan qaaday awgeed waxaan markaa ku jirnay xal daaraadin oo waxba maan sii waydiin waxay uga jeedaan ,waxaanaan isukeenay ragii ,hadana waxaa laysu adeegsaday Eraygi aahaa waxaad tahay Midgaan –Midgaan ---xun –xun ,adigu aan soo koobe arrinkii dhamaynay ,sxbadaydii kalana iska tage lkn anigu yaab ayaan u maqanahay oo aha maxay uga jeedaan Eraygan Midgaan ,waxaanaan mid walba gaar u waydiiyaay ,Maxaad uga jeeday Erayga Midgaan ? aan sheekada soo koobe waxa uu mid walba iigu jawaabay Ee waa cay xun ,hew hew dee miyaanad aqoon cay ka xuni ma jirto?adigu dood dheer waxaan sxbaday waydiiyaayoo miyaan la odhan qabiil ka mida qabiilada dega Geyiga soomliyeed iyo xataa Dalka soomaliland ,waxaanay iigu jawaabeen ,waar waa dad xun ,yaab waan iska aamusay ,lkn waxaan ku qanciyaay inay yihiin qabiilada dalka dega oo qabiilkooda kalaa .

Guntii Gebe Gebadii : hadalkan dheereeyaye waxaan idin Leeyahay Qofka jannada laga waayo ayaa midgaana ee lasocoda ,oo walaalihiin soo dhaweeya ,waxaa lagayaaba ,inay illahay inooga dhawyihiine .

Dar-Daaran ,Waxaan ku odhanlahaa walaahayga ilaahay nawada abuurtay iyaga walaalyaal,Waxaad tihiin Dad sharaf iyo maamus leh ,waxaad ku dartaan uun inaad fur-furtaan dadnimadiina ,oo aad waxa badan bedeshaan ,oo aad iska saartaan cuqdada ,iyo waxa yaalo badan oo ayaynan halkan isku waydaarsanayn lkn aynu gaar gaar uga sheekaysandoono,insha aalaah.

Wixii qalada ,wixii warbixina –wixii tusalaa ,wixaan ku qaldanahay waxaan ahay qof yar oo daciifa ,maadama oo aan ahay bani aadam waa layga helayaaye waad isoo soo sheegikartaan ,qofkasta oo ii soo sheegana ilaahay ha dhaafo denbigiisa -----Aamin ---Aamin---- Aamin .

Prepared:

Mukhtaarjanan Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)Tell:0634431347

Burao/Somaliland

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

Tell:0634431347