Waa Kuwee 15ka Ciyaartoy Ee Kooxaha Premier League Ka Tirsan Ee Min Hal Kaadh Oo Digniin Ah U Jira In Ay Ganaax Ku Maqnaan Karaan? Ogow Tirada Kooxdaada Kaga Jira.

0
Tuesday December 12, 2017 - 11:47:20 in by Burco Office
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuwee 15ka Ciyaartoy Ee Kooxaha Premier League Ka Tirsan Ee Min Hal Kaadh Oo Digniin Ah U Jira In Ay Ganaax Ku Maqnaan Karaan? Ogow Tirada Kooxdaada Kaga Jira.

    Waa Kuwee 15ka Ciyaartoy Ee Kooxaha Premier League Ka Tirsan Ee Min Hal Kaadh Oo Digniin Ah U Jira In Ay Ganaax Ku Maqnaan Karaan? Ogow Tirada Kooxdaada Kaga Jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuwee 15ka Ciyaartoy Ee Kooxaha Premier League Ka Tirsan Ee Min Hal Kaadh Oo Digniin Ah U Jira In Ay Ganaax Ku Maqnaan Karaan? Ogow Tirada Kooxdaada Kaga Jira.

Maalmo kooban ayaa ka hadhsan sanadkan 2017 waxaana jiri kara ciyaartoy uu nasiibkoodu xumaan karo oo ganaax ku seegi kara kulamo haddii ay min hal kaadh oo digniin ah qaataan waqtiga kala wareega sanadkan iyo sanadka cusub.

Sanadkasta ciyaartoy badan oo ganaax ku maqnaan lahaa ayaa December 31 wixii ka danbeeya laga masaxaa ama laga tirtiraa kaadhadkii digniinta ahaa ee ay so qaataan si ay bog cusub ugu bilawdaan sanadka cusub.

Laakiin waxaa jira 15 ciyaartoy oo kooxaha Premier Leaque ka tirsan oo ka hor December 31 halis ugu jira in ay min hal kulan ganaax ku seegi karaan iyaga oo haddii ay waqtigan iska ilaaliyaan kaadhaadka digniinta ah laga saamixi doono. Xidigaha aan soo sheegnay ayaa soo qaatay min afar kaadh oo digniin ah taas oo la micno ah in haddii ay kulamada soo socda ay wax kaadhadh digniin ah ay qaataan in ay ganaax mari doonaan.


Xidiga kooxda Manchester United ee Ander Herrera ayaa dalbaday in laga masaxo kaadhkii digniinta ahaa ee lagu siiyay in uu isku dhex tuuray xerada ganaaxa Manchester City markaas oo uu ku dooday in rekoodhe uu ku guulaystay balse garsoore Michael Oliver ayaa kaadhka digniinta ah siiyay taas oo la micno ah in uu halis hadda ugu jiro ganaax.

Haddaba halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda min 4 kaadh oo dingiin ah haysta ee kulamada soo socda halista ugu jira in ay seegaan nasiibka December 31 markaas oo kadib ciyaartoyda kaadhadhka digniinta ah haysta laga dhaafi doono maadaama oo uu sanad cusub bilaamayo.


1- Joe Allen- Stoke City

2- Marcos Alonso- Chelsea

3- Idrissa Gueya- Everton

4-Alexis Sanchez- Arsenal

5-Ander Herrera- Man United

6-Dejan Lovern- Liverpool

7-Fernandinho- Man City

8-Glenn Muray -Brighton

9-Allan Nyom- West Brom

10-Jason Puncheon -Crystal Palace

11-Winston Reid- West Ham

12-Tommy Smith- Huddersfield

13-Adam Smith- Bournemouth

14-Jan Vertonghen- Tottenham

15-Ashely Young -Man United