Madaxweynaha Peru oo lagu cadaadinayo in uu is casilo

0
Friday December 15, 2017 - 10:48:21 in by Burco Office
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Peru oo lagu cadaadinayo in uu is casilo

    Madaxweynaha Peru oo lagu cadaadinayo in uu is casilo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Peru oo lagu cadaadinayo in uu is casilo

Madaxweynaha Peru, Pedro Pablo Kuczynski, ayaa wajahaya caddaadis isa soo taraya oo ku aadan in uu isu casilo eedaymo musuqmaasuq oo la xiriira shirkadda dhismaha Odebrecht oo Brazil laga leeyahay.

Waxaa lagu soo warramayaa in Kuczynski uu lumiyay taageeradii uu ka haystay xubnaha ugu cadcad golahiisa wasiirrada.

Fadeexadan wayn ayaa sheegaysa in shirkadda Odebrecht ay Kuczynski siisay shan milyan oo doolar markii uu ahaa wasiirka dhaqaalaha iyo madaxii arrimaha golaha wasiirrada. Wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay.

Maraykanka ayaa sannadkii hore shirkadda Odebrecht ku ganaaxay 3.5 bilyan oo doolar isagoo ku eedeeyay in ay laaluushtay masuuliyiin dalal kala duwan.

Xeeladaha ay shirkaddu adeegsatay waxaa ka mid ahaa in ay masuuliyiinta lacagaha u sii mariso waddooyin ay ugu magac dartay "kharashaatka la talinta", sida ku qoran dacwadda ka dhanka ah shirkadda.

Madaxweynihii hore ee shirkadda Marcelo Odebrecht ayaa xabsi 19 ah ku qaadanaya dalka Brazil, wuxuuna ogolaaday in uu baaritaannada gacan ka gaysto ku badasho in loo naxariisto, markaa ayuuna sheegay in Kuczynski loo qortay lataliye ahaan 10 sano ka hor.

Dacwad oogeyaasha ayuu sidoo kale u sheegay in shirkaddan dhismuhu ay bixisay 29 milyan oo doolar oo laaluush ah oo ay sannado badan siinaysay masuuliyiin reer Peru ah.