Mesut Ozil, Coutinho & Kevin de Bruyne Oo Hogaaminaya 11-ka Xidig Ee Isbuucaan Ugu Fiicnaa Premier League Ee Uu Soo Doorto Garth Crook.

0
Monday December 18, 2017 - 11:45:36 in by salman abdi
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mesut Ozil, Coutinho & Kevin de Bruyne Oo Hogaaminaya 11-ka Xidig Ee Isbuucaan Ugu Fiicnaa Premier League Ee Uu Soo Doorto Garth Crook.

    Mesut Ozil, Coutinho & Kevin de Bruyne Oo Hogaaminaya 11-ka Xidig Ee Isbuucaan Ugu Fiicnaa Premier League Ee Uu Soo Doorto Garth Crook.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mesut Ozil, Coutinho & Kevin de Bruyne Oo Hogaaminaya 11-ka Xidig Ee Isbuucaan Ugu Fiicnaa Premier League Ee Uu Soo Doorto Garth Crook.

Kadib kulamadii 18-aad ee Horyaalka Premier League, khabiirka BBC-daGarth Crook wuxuu soo doortay shaxda kooxda ugu fiican todobaadkaan horyaalka Premier League, waana barnaamij laga sugo waqti walba.

Garth Croo wuxuu todobaadkaan si fiican u amaanay xidigaha Crytal PalaceChristian BentekeiyoWilfried Zahakuwaas oo kor usoo qaaday hanaanka kooxdooda markii ay guulo weyn uga soo hoyeen Leicester City.

Kooxda uu hogaamiyo Roy Hodgson haatan waxey kasoo baxday halka looga haro horyaalka iyadoo durba timid kaalitna 14-aad madama ay sadexdii kulan ee ugu dambeeyay laba ka mid ah guulo gaareen.

Dhanka kale goolka wuxuu doortay Ryan oo ka tirsan Brighton & Hove Albion kaas oo sameeyay badbaadinta ugu badan isbuucaan kulamada horyaalka kulan ay barbaro gool la’aan ah la galeen Burnley.

Daafaca waxaa kasoo muuqday Cris Smalling, Collins iyo Alonso kuwaas oo guulo la qaatay Man United, Chelsea & West Ham.

 

Bandhigga ugu fiican todobaadkaan waxaa sameeyay Kevin de Bruyne oo si fiican ugu lug yeeshay guushii ay Citizens ka gaareen Tottenham Hotspur, madama uu gool dhaliyay sidoo kalana keenay in kooxdiisa rigoore lagu abaalmariyo walow Jesus uu qasaariyay.

Mesut Ozil oo dhaliyay goolka qura ee Arsenal ay kaga taqalustay Newcastle United ayaa kasoo muuqday, wuxuuna dhaliyay gool u tartami kara abaalmarinta bisha December iyo sidoo kale midka xilli ciyaareedka.

Philippe Coutinho ayaa kasoo shaxda, waxaana sidoo kale aan ka marney Mooy oo guul siiyay kooxdiisa Hudderfield Town iyo Sterling oo laba gool ka dhaliyay Spurs.