Jose Mourinho Oo Munaafaq Ku Tilmaamay Jurgen Klopp Isagoo Xasuusiyay Hadaladii Uu Ka Yiri Rikoorkii Pogba Ee Sanadkii Hore Kadib Saxiixa Reds Ee Van Dijk.

0
Friday December 29, 2017 - 18:30:35 in by Burco Office
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Munaafaq Ku Tilmaamay Jurgen Klopp Isagoo Xasuusiyay Hadaladii Uu Ka Yiri Rikoorkii Pogba Ee Sanadkii Hore Kadib Saxiixa Reds Ee Van Dijk.

    Jose Mourinho Oo Munaafaq Ku Tilmaamay Jurgen Klopp Isagoo Xasuusiyay Hadaladii Uu Ka Yiri Rikoorkii Pogba Ee Sanadkii Hore Kadib Saxiixa Reds Ee Van Dijk.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho Oo Munaafaq Ku Tilmaamay Jurgen Klopp Isagoo Xasuusiyay Hadaladii Uu Ka Yiri Rikoorkii Pogba Ee Sanadkii Hore Kadib Saxiixa Reds Ee Van Dijk.

Tababare Jose Mourinho ayaa dhigiisa Jurgen Klopp ku eedeeyay inuu yahay munaafaq isagoo xasuusiyay hadaladii uu ka yiri rikoorkii ay suuqa ugu jabisay Man United Paul Pogba, wuxuuna kusoo beegay arinta xilli Reds ay daafaca ugu qaalisan dunida ka dhigtay Virgil van Dijk oo aduun dhan 75 Malyan oo Pound ku yimid garoonka Anfield.

Jurgen Klopp ayaa aad ula yaabay lacagta ay qarash gareeyeen kooxo badan oo ka dhisan Premier League, iyadoo United ay aduun dhan 89 Malyan oo Pound ku qarash gareysay saxiixa Paul Pogba oo ay xagaagii 2016 kasoo iibsadeen Juventus.

Balse macalinka reer Jarmal wuxuu kusoo biiray liiska macalimiinta bixiya lacagaha aan caadiga aheyn madama ay Reds soo iibsatay Virgil van Dijk, Jose Mourinho ayaana ninka ay xifaaltamaan uga digay inuu mowqifkiisa taagnaado.

"Waxan u maleynayaa shaqsiga ka hadlay arimahaas gaarka ah inuu yahay Jurgen Klopp” ayuu yiri Jose Mourinho mar la weydiiyay in Liverpool ay lacago sidaas u weyn ka bixiso Virgil van Dijk.

"Hadaan ahaan lahaa mid ka mid ah warbaahintiina waxaan weydiin lahaa hadaladii uu sanad ka hor sheegay”