Mudane/marwo Waalidkoow sideebay tahay inaad ula dhaqantid ubadkaaga???WQ: Sahra Mohamed ali (Ladan)

0
Sunday August 03, 2014 - 09:51:01 in by Super Admin
  • Visits: 2079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane/marwo Waalidkoow sideebay tahay inaad ula dhaqantid ubadkaaga???WQ: Sahra Mohamed ali (Ladan)

    La dhaqanka dadku waa farsamo aqooneed sal balaadhan, kuna dhisan waayoaragnimo iyo u kuurgalka kala duwananshaha dabeecadah dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La dhaqanka dadku waa farsamo aqooneed sal balaadhan, kuna dhisan waayoaragnimo iyo u kuurgalka kala duwananshaha dabeecadah dadka


ruux waba oo bin aadam ahi wuxuu leeyahay awoodo kala duwan,oo noocyo badan isugu jira. Waxaase marmar badan dhacada in dadka qaar ku guul darraysto adeegsiga awoodahaas.la dhaqanka wanaagsan eeubadku iyo guud ahaan dadka kaleba, waxay ku timaadaa  ilaalinta iyo xaq dhawrka xeerrka iyo mabaadi’da ay ka midka yihiin

1 inaad dareensiiso qofka kale imaanu la’aad ahayn yahayna qof kula wayn. Hadii aad sida yeeli Karin waydo,ogow ruuxa kalena wuxuu kuu qabaa inaad waxmatare tahay.  Sidaa darted waa inay jirtaa istixgelin labda dhinacba ka jirta.

2 isku day in aad ahaato qof faraxaan ah goor walba. Waayo farxada iyo qosolku wuxuu qayb ka qaataa xoojinta xidhidhka wanaagsan. Shiinaha ayaa ku maah-mmaaha ayaa la yidhi "qof aan qosolka aqooni yaanu dukaan furanin”. Sidoo kale aqoonyahanada cilim nafsigu waxay cadeeyeen in farxada wax badan ka tarto fududaynta nolosha. Qofka muslinka ah diinta way kala hadshay cadhada waxyeeladeedab. Hadab hooyo  iyo ku beer ubadkaaga qiimah farxadu leedahay!

3 qof kasataa magic ayuu leeyahay, maxaa magic loogu bixiyaa qofkasat? Xidhiidhka wanaagsani wuxuu ka bilaabmaa barshada magacyada dadka. Hadii aad qofka magiciisa taqaano, qayb wayn oo noloshiisa ah ayaad haysataa. Isku day inaad ilma kasta oo aad dhashay ugu yeedho magiciisa markaa aad la macaamiloonayso. Halkala masuugin inaad ofka aad magiciisa taqaano uguna yeedhi waydo!adeegsigs magacyadu wuxuu fududeeyaa wada shaqayn kasta oo a hayo.sidaa awgeed ku tix gali ilamahaaga ugu yeedhida magiciisa.

4 hooyo iyo aabo ma rabataa in ubadkaagu ku adeeco kuuna dhega nugulaado? Jawaabtu waa fududay, waxayna ku soo ururasantahy, adigu ad rabtid. Ka hadal waxa ubadkaaga? Dhega nugaylku wuxuu dhalaa dheganugayl. Waa mabda, bin aadamka oo dhaami isku raacsanahay. Haka hadlin waxa adigu aad rabtid.ka hadal waxa ubadkaagu rabo. Si fiican u dhagayso dooda ay caruurtaadu qabto. Qof kastaa  nolosha wuxuu u dagaalamaa inaan la quudhsan loona qiro jiritaankiisa. Haku badin ubadakaaga awaamirta, kolka aad rabtid inay kuu adeegaan ama aad la hadalaysid.balse ugu sheeg hab la tashi ku jiro sida inaad tidhaahdiid: hebel inaad la saaxiibtiid miyay miyey qumantahy?

Ugu dambayntii, aabo iyo hooyo sabab ha u u noqon darxumada ubadkaaga. Waxkasat oo kale ka hor mari toosinta ubakaaga.xasuusnow cid kasta oo tariikhda caan ku ah waxa soo barbaariyey waa waalid kula mid ah.

 

Qaalinka  Sahra Ladan Mohamed Ali

Burco Somaliland 

sahraladan22@gmail.com