Miyuu Mesut Ozil Taam Buuxa U Noqon Doonaa Kulanka London Derby Ee Ay Wajahayaan Habeen Dambe Kooxda Chelsea

0
Monday January 01, 2018 - 13:45:36 in by Burco Office
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Mesut Ozil Taam Buuxa U Noqon Doonaa Kulanka London Derby Ee Ay Wajahayaan Habeen Dambe Kooxda Chelsea

    Miyuu Mesut Ozil Taam Buuxa U Noqon Doonaa Kulanka London Derby Ee Ay Wajahayaan Habeen Dambe Kooxda Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyuu Mesut Ozil Taam Buuxa U Noqon Doonaa Kulanka London Derby Ee Ay Wajahayaan Habeen Dambe Kooxda Chelsea

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Mesut Ozil uu fursad yar u heysto inuu taam buuxa u noqdo kulanka ay habeen dambe la ciyaarayaan Chelsea, waxeyna is weydiinta timid markii uu seegay kulankii West Bromwich Albion ee xalay.

Kubad sameeyaha xulka qaranka Jarmalka ayaa la ogaaday inuu dhaawac dhanka jilibka ah ku seegay ciyaartii ay barbaraha la galeen West Bromwich Albion, waxeyna u aheyd dib u dhac weyn kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Arsene Wenger wuxuu go’aansaday inuu badalkiisa kusoo bilaaboAlex Iwobi kulankii Hawthorns ka dhacay: "Uma maleynayo inuu xidga Jarmalka wajahi doono Chelsea”

29-jirkaan heerka caalami taam buuxa wuu u noqon karaa kulanka laakiin fursadda uu heysto wey yartahay marka laga tixraaco hadalka macalinka reer France.

"Fursad Yar, haa – sida aan maqlay” ayuu yiri isagoo ku jira shirkii jaraa’id ee ka hor kulankii xalay ee ay barbaraha galeen.

Mesut Ozil laba gool ayuu dhaliyay sadexdiisii kulan ee ugu dambeysay, waxaana dib usoo laaban doona hadal heyntii suuqa kala iibsiga ciyaartoyda madama January ay maanta bilaabatay sidoo kalana uu fursad u heysto inuu la heshiiyo kooxda uu doono.

Manchester United & Barcelona ayaa si weyn loola xiriirinayaa xidigaan reer Jarmal, waana wax suuragal ah inuu heshiiska u kordhiyo Gunners.

SHARES1
 

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan