XAASKAYGII HORE: Qaybtii1aad .......Qalinkii c/qani maxamed xuseen(mandela )

0
Monday August 04, 2014 - 11:02:31 in by Super Admin
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAASKAYGII HORE: Qaybtii1aad .......Qalinkii c/qani maxamed xuseen(mandela )

    markaan is guursanay gabadhaan aduunyada ugu jeclaa waxan wada dagnay guri ku yaala xaafada axmed guray waxanu in badan wada guranay midhihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

markaan is guursanay gabadhaan aduunyada ugu jeclaa waxan wada dagnay guri ku yaala xaafada axmed guray waxanu in badan wada guranay midhihii


gacaltooyo waxaan wada galgalanay raaxadii guurka ku darsoo afka ayaan wax isku goynaa waan isdaawan jirnay oo mid midba midka kale ayuu dhabanka dhabanka ugu qaban jiray markaasaan muraayadais hor dhigi jirnay markaasaa markay indhahayagu isku dhacaan dhoola cadayteeda oo qudha muraayadu kala dhici jirtay markaasaa dhulka laga guri jiray quruuruxeeeda iyo qurubyadeeda . xaaskayga ,quruxdeeda ,qaabkeeda ,qawlkeeda macaan ,qaayaha iyo sharafta qaadirku kumanaystay waxaa intaa u dheera dadnimada iyo xadhiga diinta sida ay gacan ta midig ugu haysay ,way i ilaalin jirtay ,quruxdayday ka talin jirtay sharaftayday ku hawlnayd hagaajintayday u hagar bixi jirtay asaagay iyo aynigaybay i dhaafin jirtay aayahaygaay ka talin jirtay way i raali galin jirtay suubanaan iyo samo ka talinbay igu sabi jirtay way isalaami jirtay iyadoo sunayaasha dhexdooda iga dhunkanaysa hadaan safar galayo anba bixinta ,niyad ii dhisida xiiso igalinta intaba daad ayay igaga dhigaysay inta aan sii socdo iska waranta halkeed maraysadaa sidee tahayda wax maad cuntayda ,meel miyay ku xanuunaysa intaasina way i daba taalay ,goor maad soo noqonaysaa halkeed soosocotaadu way igu lamaanayd ,way isoo dhawayn jirtay ,way i salaami jirtay way salaaxi jirtay sariirtay ugu raalin jirtay way seexin jirtay way soo kicin jirtay ubaxbay igu salaami jirtay ,labiskay iga sixi jirtay ,qureec siday u macaan tahay u macaan bay i siin jirtay ,shaqada ana hayay igu dhiiri galin jirtay sidaasaan guriga kaga bixi jiray marka aan salka dhigo goobtii shaqada dhalalawda taleefanka aya iska daba dhici jiray xabiibtida iyo erayada xadantadale ayay markaaba ugu xurmayn jirtay marka ay taleefanka sii dhigaysana dhunkasho aa dhab dhab moodo ayay dhagta iigu soo ridaysay markaasay farxadi igu dhamaan jirtay kolkaasaan ana odhan jiray

waxaad is hesheen oo aad ishanateen marwadii qarniga markaasaan ku heesi jiray .heesihii aan iyada u sameeyay barigaan jacaylkeeda waday

jacayl baan helay hagaagsan
jacay baan helay habaysan
jacay baan helay hibaysan
jacayl baan helay hanaysan
waxaan helay kaan u heesay
waxaanhelay haybad badan
horjoog muuqiyo dhalaal badan
habkii dhaqankiyo asluub badan
hankii guushiyo xilqaad badan
horseed garashiyo aqoon badan
hanaan diinliyo xishood badan
habkiisamahiyo xijaab badan
hablahagabigood ka heer badan

markaasaan teleefankeeda gacanta ugu diri jiray iyadoo qadada ii sii samaynasa deetana iigu dul heesi jirtay iyadoo shaqaynasa marka jaarku usoo wareegaan bay odhan jireen jecelaa gabadhani odaygeega markaasay ugu jawaabi jirtay janadii ifka helay kolkaasay halkaa kasii waday heesihii iyo hawraarihii ay uraaligalin jirtay waxayna jeclayd xusuustayda iyo ka sheekayntayda inta aan maqanahay

markaasay ii qaad jirtay heestii asma love eemacanayd ee ay ku jireen

la'baan xiisuhu midaynin
jacaylkana wada xambaarin
kalsoonida wax xubeerin
xubigu biyo dhigan kashooda
sideedana isku xaqdhowrin
ma wayaan xagal ka daace
halkaa xabadkaad ku taale
jacaylka xuskiisa xooji

xulashada erayada dareenka le ee xaaskaygu taqaanay waa midi uu baray xubigii mudo badan ku xasilay xidida jidhkayaga xaaskaygu waxay iga kasbatay ,xurmayn iyo xushmayn aan xadkeeda la gaadhin xaqdhawr laab xaadhaan qalbi xiiso u qaba iyo xusuusta xaaskayga oo biyo dhigatay quluubta iyo qalbigu melaha ay iska galaan xarfaha magaceeduna wuxuu taxnaa xiskayga iyo maanka xabiibta iyo xayaatida waan u joogtan jiray erayada macaan murtida ,madadaalinta marwadayda waa mid aan ku dhiiran jiray.
waxaa na soo gaadhay oo bilitay bishii aan isguursanay marwadayda quruxda iyoo qaabka bilanle iyo sanad guuradii kalgacaylka na biyo dhigay .
dalxiis ayaanu ugu baxnay magaalada bebera,,, berberi waa goob xeeba waana magalooyinka dalxiiska loo tago dadka halkaa dagani waa dad ilbaxnimad iyo reer maaalnimadu ku idishahay soo dhawaynta iyo sii dhawaynta dadka u yimaada waa mid lagu yaqaano .markii aan afaafka berbera soo gaadhnay anagoo wadana gaadhi casri ah oo buur iyo banaanba jiidhaya akhyaar xidhiidh fog oo saaxibtinimo naga dhexeeyay
igaga hor imaadeen afaafka beberaad markaasay xaaaskaygu iga leedahay bulshaawi iyo bashaash baa tahay markaa anigoo u jawaab le ayay iga horkeentay waa intaan ku doortay markaasaan ka leeyahay ma intaa kaliya markaasay qosol iyo dhoolacadayn inan dhunkado ugu khasbaysa halkaasi ku wadh wadhaysaa xaaskaagoo farxasan adigoo ag fadhiya maxaad dareemi lahayd dareenkuba wuu kaa tagayaa farxada dareedeed
markaasan ku dagnay huteel kamida huteelada lagu dakeeyo ee gobolka saaxil ugu carfiga iyo raaxada cudoonle magaalada berbera waxa caan ku ah cunida kaluuunka xaaskayga oo aad u jeclayna ay ka bogatay markaasay aniga afku iigu goynaysay garabkana isaaraysay waa taqaanaa dareenka uu leeyahay kaluunka markaasaan: 






LASOCO QAYB TA LABAAD