Antonio Conte Oo Jawaab Digasho Ah Siiyay Jose Mourinho: "Waxaad Tahay Mid Liita , Waligaana Waad Ahaan Doontaa

0
Sunday January 07, 2018 - 12:50:21 in by salman abdi
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo Jawaab Digasho Ah Siiyay Jose Mourinho: "Waxaad Tahay Mid Liita , Waligaana Waad Ahaan Doontaa

    Antonio Conte Oo Jawaab Digasho Ah Siiyay Jose Mourinho: "Waxaad Tahay Mid Liita , Waligaana Waad Ahaan Doontaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Conte Oo Jawaab Digasho Ah Siiyay Jose Mourinho: "Waxaad Tahay Mid Liita , Waligaana Waad Ahaan Doontaa

Waxaa xiiso sii yeeshay dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Antonio Conte iyo Jose Mourinho, waxeyna gaartay heer labada tababare shirarkooda jaraa’id ee ka hor ciyaarahooda iyo kadib ciyaarahooda ay hawada isku mariyaan hadalo kulul.

Antonio Conte ayaa kadib kulankii ay barbaraha la galeen Norwich City si fiican ula hadlay dhigisa Jose Mourinho isagoo u sheegay inuu yahay mid liita oo aan aheyn qof wanaagsan madama uu si shakhsi ah dadka u weeraro.

Antonio Conte wuxuu ka jawaabayay hadalkii Jose Mourinho ee ahaa inuusan waligiis la kulmi doonin ganaax ku saabsan kulamo khamaar lagu go’aamiyay.

"Runtu waxey tahay in la i ganaaxay afar bilood kadib markii aan ku fashilmay inaan warbixin gudbiyo, kadib waxaan weydiistay maxkamadda in la raadiyo xogo dheeraad ah oo ku saabsan dambigeyga, kadibna waxey shaaca ka qaaday inaan ahay qof aan dambi laheyn” ayuu yiri Antonio Conte.

 

"Waxaan u maleynayaa ka hor inta aadan nuucaan u hadlin, isla markaana aadan dhaawicin qof kale inaad u baahan tahay taxadar weyn. Waxaad soo bandhigtay sida aad u tahay qof liita, haa qof liita – si wanaagsan ugama warheysid sida ay xaaladdu tahay” ayuu yiri Conte.

"Balse si fiican ayaan u aqaanay waqtigii hore, wuxuuna ahaa mid liita marka la eego xaalado badan ilaa haddana wuu yahay, hubaashii wuu ahaan doonaa sidaas mustaqbalka”

"Mourinho wuxuu yahay waad taqaanaan, heerkiisa waa mid hooseeya, waan ku celinayaa, waxaan u maleynayaa inaan hadlin inaad si wanaagsan u ogtahay waxa dhacay”

Dhanka kale Antonio Conte wuxuu ka hadlay sida uu Jose Mourinho ula dhaqmay Claudio Renieri, waana laba jeer oo is xigta.

"Waxaan xasuustaa tusaale xun oo uu ku sameeyay Renieri, markii uu ku weeraray inuusan si fiican u aqoon luqadda Ingiriiska”

"Kadib markii laga ceyriyay shaqada, wuxuu soo xirtay funaanadiisa, waliba si bilaa macno ah oo aan daacad ka aheyn”

"Hadii aad qof la dagaalantid waxaad isku dayeysaa inaad disho shakhsiyadiisa, kadibna laba sano kadib waxaad isku dayeysaa inaad qofkaas caawiso, sababtoo ah waa wax kuu fiican, una fiican noloshaada”