You are here: Home /Barcelona, Wararka Maanta Saxiixa Cusub Ee Barcelona Yerry Mina Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Kadib Markii Lasoo Bandhigay & Madaxweyne Josep Maria Bartomeu Oo Isna Ka Hadlay.

0
Saturday January 13, 2018 - 19:34:35 in by salman abdi
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    You are here: Home /Barcelona, Wararka Maanta Saxiixa Cusub Ee Barcelona Yerry Mina Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Kadib Markii Lasoo Bandhigay & Madaxweyne Josep Maria Bartomeu Oo Isna Ka Hadlay.

    You are here: Home /Barcelona, Wararka Maanta Saxiixa Cusub Ee Barcelona Yerry Mina Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Kadib Markii Lasoo Bandhigay & Madaxweyne Josep Maria Bartomeu Oo Isna Ka Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

You are here: Home /Barcelona, Wararka Maanta Saxiixa Cusub Ee Barcelona Yerry Mina Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Kadib Markii Lasoo Bandhigay & Madaxweyne Josep Maria Bartomeu Oo Isna Ka Hadlay.

Barcelona ayaa soo bandhigtay saxiixeeda cusub Yerry Mina maanta, waana saxiixeedii labaad ee suuqa jiilaalka madama ay horay u xaqiijiyeen saxiixa Philippe Coutinho.

Daafaca reer Colombia wuxuu ku tilmaamay kooxdiisa cusub midda ugu wanaagsan aduunka, sidoo kalana wuxuu yimid magaalada Barcelona isagoo la mideysan aabahiis, adeerkiis/wakiilkiisa iyo sidoo kale qareenkiisa.

"Aad baan ugu faraxsanahay inaan joogo Barcelona, waxaan u mahad celinayaa dhamaan dadkii suuragalka ka dhigay inaan imaado kooxda ugu wanaagsan aduunka” ayuu ku bilaabay Yerry Mina shirkiisa jaraa’id.

"Waxaan doonayaa inaan wax badan ka barto saaxiibadeyda kooxda sidoo kalana aan qeybteeda ka geysto”

"Haatan waa waqtigii aan wax baran lahaa, inaan wax ku guuleysto sidoo kalana kooxda aan ka dhigo mid wanaagsan”

"Dhulka ayaan ku heyn doonaa lugaheyga, indhaheygana samada ayaan ku eegi doonaa”

"Ma hayo erayo aan ku qeexo sida aan u faraxsanahay”

Dhanka kale madaxweyneJosep Maria Bartomeu ayaa dhawr eray ka sheegay goobta lagu soo bandhigay xidiga ugu dheer Barcelona.

"Yerry Mina waa xidig leh xirfad dabiici ah sidoo kalana goor hore safar dheer oo kubadda cagta ah galay” ayuu yiriBartomeu.

"Waxaan rajeyneynaa inuu wax badan kusoo kordhiyo kooxda taasoo taageerayaasha ka dhigta kuwa faraxsan sanadaha soo socda”

"Waa ciyaariyahankii ugu horeeyay ee Colombia u dhashay oo qeyb ka noqda kooxda koowaad ee Barcelona taariikhda”

"Waxaan rajeyneynaa inuu sanado badan nala joogo, waxaan rajeynaa in Colombia ay ku faanto isla markaana taageerto”