Luis Suarez: "Waan Ooyay Markey Barcelona Ii Sheegay Iney Wali I Dooneyso Xitaa Anigoo Fal Qaniinyo Ah Geystay

0
Monday January 15, 2018 - 19:33:33 in by salman abdi
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Suarez: "Waan Ooyay Markey Barcelona Ii Sheegay Iney Wali I Dooneyso Xitaa Anigoo Fal Qaniinyo Ah Geystay

    Luis Suarez: "Waan Ooyay Markey Barcelona Ii Sheegay Iney Wali I Dooneyso Xitaa Anigoo Fal Qaniinyo Ah Geystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Suarez: "Waan Ooyay Markey Barcelona Ii Sheegay Iney Wali I Dooneyso Xitaa Anigoo Fal Qaniinyo Ah Geystay

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday inuu ooyay markii uu ogaaday in Barcelona ay wali dooneyso xilli lagu ciqaabay qaniinyadii uu koobkii Aduunka 2014 gaarsiiyay daafaca reer talyaaniGiorgio Chiellini.

Kooxda ka dhisan Camp Nou waxey usoo bandhigtay rabitaan iyadoo FIFA ay afar bilood ciyaaraha ka mamnuucday Luis Suarez oo markaas ku sugnaa kooxda Liverpool, wuxuu carabka ku adkeeyay in kooxda reer Catalonia ay tahay koox lagu mahdiyo.

"Waxaan ku fakaray in riyadeydii aheyd inaan ku biiro Barcelona ay soo dhamaatay, sidoo kalana aan lumiyay wax walba” ayuu yiri Luis Suarez oo wareysi siinayay Gerrard Pique xilli ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayeen barnaamijkaThe Players Tribune.

"Maalmo ka hor inta aan koobka aduunka la iga dirin, waxaan la hadlayZubizarreta & madaxweynaha. Waxey ii sheegeen iney wali i doonayaan, wax dhibaato ah oo aan la ooyo ima aysan dhihin sababtoo ah kaliya wey i doonayeen”

"Kadib wixii dhacay wey adkeyd in kalsooni la igu qabo, Barcelona waxey sameeyeen wax cajiib ah mar walba waan ku mahdin doonaa”

Dhanka kale Luis Suarez waxey layaab ka dhigeen isaga iyo qarankiisa koobkii Aduunka 2010 markaas oo ay gaareen Semi Finalka, balse Luis wuxuu sameeyay xiligaas wax kale oo layaab leh markii casaan la siiyay kadib badbaadii gacanta ee kulankii Ghana.

"Waxey aheyd ciyaar noo dhaxeysa anaga iyo Ghana, kulan quarter final-ka ah – waxaan ku garaacnay rigooreyaal”

"Waxaan gaarnay Semi finalka inagoo ku jirna qaab fiican, waxaa dhaawacmay Diego Forlan”

"Casaankii kulanka Ghana wuxuu ii ahaa mid xun balse waan ku farxay inaan guuleysanay, qatar ayaan galiyay qaranka balse markii ay iska qasaariyeen – waan farxay”

"Waxaa la igu eedeeyay inaan ciyaar wanagga sameynin, balse hadii uu qasaariyay taas aniga qalad kuma lihi”