Shiinaha iyo Ruushka oo aan lagu casuumin kulanka looga wada hadlayo khatarta nukliyarka ee Kuuriyada waqooyi

0
Wednesday January 17, 2018 - 10:07:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha iyo Ruushka oo aan lagu casuumin kulanka looga wada hadlayo khatarta nukliyarka ee Kuuriyada waqooyi

    Wasiirada arimaha dibada ee 20 dal ayaa ku kulmi doona magaalada Vancouver, ee dalka Kanada, si looga wada hadlo khatarta nukliyarka ee waqooyiga Kuuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada arimaha dibada ee 20 dal ayaa ku kulmi doona magaalada Vancouver, ee dalka Kanada, si looga wada hadlo khatarta nukliyarka ee waqooyiga Kuuriya.


Wadamadaan ayaa waxay raadinayaan siyaabo lagu kordhiyo cadaadiska dibloomaasiyadeed iyo maaliyadeed ee Waqooyiga Kuuriya si loogu khasbo in ay ka laabtaan rabitaankooda nukliyeerka.

 


Laakiin Shiinaha iyo Ruushka ayaan lagu casuumin kulanka looga arinsanayo khatarta nukliyarka ee Kuuriyada waqooyi.


Beijing oo ah lamaanaha ganacsiga muhiimka ah ee Waqooyiga Kuuriya iyo saaxiibka kali ah. ayaa ugu yeeray shirka madaxda "macno la'aan".


Shiinaha waxay rabaan in la isku dayo hab diblomaasiyad oo si tartiib wax loogu xaliyo marka hore halkii loo adeegsan lahaa tallaabooyin adag.


Sarkaal sare oo ka tirsan dawladaha kulmaya ayaa sheegay in Shiinaha iyo Ruushku ay xaq u leeyihiin fikraddooda si madaxbannaan, laakiin waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax dadaal ah oo la isku dayay in laga saaro kulanka labada dal.


Isniintii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushka iyo Shiinaha aan lagu martiqaadin kulamada,iyadoona saraakiisha Canadianka ay xaqiijiyeen in labada dal aan lagu martiqaadin inay dhab ahaantii ka qayb qaataan shirka markii danbe.


Wasiirada arrimaha dibedda ee Canada, Maraykanka, Japan, South Korea, U.K., Turkiga, Danmark, Giriigga, New Zealand, Noorwey iyo Nederland ayaa ka qayb qaadan doona kulanka.


Waxaana diiradda lagu saari doonaa in talaabooyinka xayiraada iyo cunaqabataynta lagu soo rogay Kuuriyada Waqooyi ay shaqeynayaan heerka laga rabay , haddii aysan ahayne - waxa laga qaban karo arintaasi.