Tobankii Saxeex Ee Ugu Qaalisanaa Xagaagan Iyo Luis Suarez oo aykooxda Barcelona iibsatay oo ilahada hogaaminaya iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Badan

0
Wednesday August 06, 2014 - 09:40:55 in by Burco Office
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobankii Saxeex Ee Ugu Qaalisanaa Xagaagan Iyo Luis Suarez oo aykooxda Barcelona iibsatay oo ilahada hogaaminaya iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Badan

    Iyadoo wali ay in bil kudhawi ka hadhsan tahay waqtigii uu xidhmi lahaa suuqa kala iibsiga ciyaartoydu ayaa ilaa hadda waxay kooxuhu la wareegeen saxiixyo taariikhda galidoona;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo wali ay in bil kudhawi ka hadhsan tahay waqtigii uu xidhmi lahaa suuqa kala iibsiga ciyaartoydu ayaa ilaa hadda waxay kooxuhu la wareegeen saxiixyo taariikhda galidoona;

Waxaan qormadan ku eegidoonaa 10 ka ciyaartoy ee ugu waynaa ama ugu qaalisanaa xagaagan, kooxaha la wareegay iyo waliba kooxaha laga iibsaday.

Luis Suarez oo aykooxda Barcelona iibsatay ayaa ilaa hadda hogaaminaya ciyaartoyga ugu qaalisan xagaagan iyadoo Barca suarez liverpool kaga iibsatay €88m.

Real Madrid oo ay Barcelona aad u xifiltamaan ayaa samaysay saxiixii labaad ee ugu qaalisanaa xagaagan kadib markii ay kooxda Monaco kala soo wareegeen James Rogriguez kaas oo ay kula soo wareegtay €80m.

Kooxda PSG oo rekoor ku jabisay saxiixa David Luiz ayaa noqonaya saxiixa saddexaad ee ugu qaalisan xagaagan halka uu ka noqday difaacii abid ugu qaalisanaa ee ay kooxi iibsato. PSG ayaa David Luiz Chelsea kaga soo iibsatay €49.5m.

Chelsea ayaan waqti isaga lumin kadib markii ay heshay lacagta David Luiz, waxayna markiiba u dhaqaaqeen dhinacaa iyo weerar yahankii Atletico Madrid Diego Costa. Chelsea ayaa Costa ka bixisay lacagdhan €44m wuxuuna noqonayaa saxixii shanaad ee ugu qaalisanaaa xagaagan.

Arsenal oo xagaagan usoo tafo xaydatay inays uuqa lacag la soo gasho ayaa Alexsis Sanchez ka soo iibsatay Barcelona. Gunners ayaa Sanchez ka soo bixiyay €40m.

Liika 10 Ciyaartoy ee ugu qaalisanayaa xagaagan oo dhamaystiran halkan kaga bogo:

ciyaartoy

Rooney Oo Sheegay In Van Gaal Man United Shaqo Fiican Ka Qabanaayo

Van Gaal - Rooney

Wayne Rooney oo kulankii xalay ay Man united ku qaaday koobka ICC ka ahaa kabtan aan rasmi ahayn ayaa ka hadlay sida ay tahay nolosha Man united intii uu yimid Van Gaal. Rooney ayaa ka hadlay shaxda cusub ee Van Gaal ku ciyaarsiiyo kooxda Man United.

Rooney ayaa hadalkiisa ku bilaabay: "Waan la qabsanaynaa nidaamka cusub wuuna fiican yahay".Van Gaal ayaa kulamadii saaxiibtinimo ee uu maamulka united hayay ku ciyaarayay 3-5-2 taas oo uu xalay guul 3:1 ah kaga gaadhay kooxda Liverpool.

Rooney ayaa xalay kooxdiisa u dhaliyay goolkisii shaand sadexdii kulan ee ugu danbaysay. Rooney oo ka hadlaya todobaad yadii ay soo dhaafee iyo sida uu xaalku ahaa ayaa yidhi: "Todobaadadii aan soo dhaafnay waxay ahaayeen kuwo aad u fiican, waxanu helnay tababare cusub kaas oo doonaya inaanu qaab cusub u ciyaarno. Waa inaanu la qabsanaa, waxaanu gaadhnay natiijooyin fiican ku waas oo aanu ka gaadhnay kooxo heer sare ah sidaa daraadeed waanu ku faraxsanahay”.

"Waxaan filayaa in nidaamaka cusubi kooxda ku haboon yahay, maaha aniga oo kaliya. Tababaruhu markii uu yimid wuxuu eegay ciyaartoyda aanu haysano, wuxuuna sameeyay wixii uu u arkayay inay tahay waxa ugu fiican ee kooxda ku haboon”.

"Waa tababare ad adag laakiin waa nin fiican tan iyo markii uu yimid kooxda wuxuuna na siiyay qaabab kala duwan oo kubbada cagta ah kuwaas oo aanan hore u soo arag. Aad ayay noogu fiicnayd waxaanan rajaynayaa inaanu sii wadi doono. Waxaanu doonaynaa inaanu ciyaaraha ku guulaysano, aanu ciyaarno kubbad fiican taas oo aanu haddaba samaynay, Markasta wa wax fiican  inaanu Liverpool garaacnaa waananu ku farax sanahay shaqada aanu qabanay”.

Liverpool Oo Lagayaabo Inay La Soo Wareegto Dani Alves.

Dani-Alves-Barcelona-James-Milner-Manchester-City

Kooxda Liverpool oo si wayn suuqa ugu jirta ayaa markaan usoo jeesatay inay la wareegto 31 jirka difaaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Dani Alves.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Liverpool ay diyaar u tahay inay kula wareegto laacib kaan 7 milyan oo Ginni si ay ugu qanciyaan Barca inay iska fasaxdo laacib kaan.

Isbuucii hore ayaa la shaaciyay in Barcelona ay u sheegtay Dani Alves inuu raadsado koox kale kadib markii ay iska diiday PSG inay la wareegto daafaca ree Brazil lakiin Liverpool ayaa ku kalsoon inay keeni karto laacibkaan Anfield.

Xavi Hernandez Oo Ku Dhawaaqay Inuu ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

xavi

Kubaada Sameeyaha khabariirka ah ee Xulka Qaranka Spain iyo kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga fadhiistay ciyaaraha caalimiga ah. Xavi ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku cadeeyay inay soo dhamaadeen maalmihiisii xulka qaranka Spain kadib markii ay Spain niyad jab kala kulantay koobkii aduunka ee lagu soo gabagabeeyay Brasil.

Xavi ayaa saamayn wayn ku lahaa xulkiisa Spain isagoo kula guulaystay Euro 2008 iyo Euro 2012, waxa kale oo kula guulaystay koobka aduunka sanadkii 2010 kaas oo lagu qabtay South Africa. Xavi yaa xulkiisa u ciyaaray 133 kulan isagoo u dhaliyay 13 gool halka uu goolal intaa ka badan caawiye ka ahaa. Xavi ayaa ahaa dhexdii ugu wanaagsanayd ee sanadihii ugu danbeeyay isagoo qayb wayn ka ahaa in xulka Spain aduunka ugu sareeyo muddo 6 sano ah. Xavi ayaa hadda ka firidoona oo kaliy kooxdiisa Barcelona.

Xavi oo 34 jir ah ayaa xagaagan lala xidhidhinayay inuu ka tagaayo kooxdiisa Barcelona .laakiin ugu danbayn ayaa laga dhaadhiciyay inuu kooxda ku sii nagoodo ugu yaraan hal xili ciyaareed kaas oo uu luis Eringue ka dalbaday.

Xavi ayaa yidhi: "Waxaan go’aan ku gaadhay inaan ka fadhiisto ciyaaraha caalmiga ah. Waan ku faraxsanahay sanadihii aan xulkayga la soo qaatay  waxaya hayd waqti fantastic ah”.




Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com