Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.

0
Sunday January 21, 2018 - 11:16:04 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.

    Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar lagu qaaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Afghanistaan.

Ciidamada amaanka ee Afghanistaan ayaa xalay oo dhan la dagaalamayay koox maleeshiyo ah oo gudaha u galay hotel kuwa raaxada ah oo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Dagaalyahano dhowr ah ayaa galay gudaha hotelka intercontinental iyagoo si an kala sooc lahayn u tooganaayay shaqaalihii hotelkaasi iyo dadkii martida ahaa ee halkaasi joogay.

Weerarkan ayaa ah mid aad u xooggan marka la eego baaxadda iyo bartilmaameedkiisuba.

Hoteelka Intercontinental oo ka mid ah hoteelada ugu caansan dalkaasi ayaa ku yaalla goob taariikhi ah, waxaa uuna aad uga dhex muuqdaa dhismooyinka kale ee ku yaalla caasimadda.

Hoteelkan ayaa ah mid aad loo ilaaliyo, waxaana uu leeyahay bara koontarooll oo dhowr ah. Ilaa iyo haddana ma cadda sida ay raggani dableyda ah ugu suurtagashay inay gudaha u galaan.

Hoteelkan ayaa toddobo sano ka hor waxaa weerar kan lamid ah ku qaaday mintidiinta Taalibaan, kuwaasi muddo shan saacadood ah ay ciidamada ammaanka kula dagaalamayay gudaha hoteelka, ka hor inta aan la dilin, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan labaatan qof.

Hoteelkan Intercontinental ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ka turjumayay kobaca dhaqalaaha ee dalkaasi. Waxaa albaabada loo furay muddo haatan laga joogo in kabadan nus qarni.