Xukuumadda Somaliland oo Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Kala Wareegtay Doonyo Kalluumaysi Oo Lagu Sameeyay Jaamacadda Faraca Badda Ee Berbera

0
Sunday January 21, 2018 - 16:31:58 in by salman abdi
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Kala Wareegtay Doonyo Kalluumaysi Oo Lagu Sameeyay Jaamacadda Faraca Badda Ee Berbera

    Xukuumadda Somaliland oo Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Kala Wareegtay Doonyo Kalluumaysi Oo Lagu Sameeyay Jaamacadda Faraca Badda Ee Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Kala Wareegtay Doonyo Kalluumaysi Oo Lagu Sameeyay Jaamacadda Faraca Badda Ee Berbera

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaam Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ee Caasmadda gobolka saaxil ayaa saaka kormeeray dekedii hore ee Nec-Fish oo lagu sameeyay dayactir iyo dib u habayn balaadhan.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaam Saylici oo uu wehelinayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa xadhiga ka jaray deked yar oo loogu tallo galay Kaluumaysiga taasi oo ay hirgalisay Hay’adda Cuntada iyo beeraha ee Qaramadda midoobay ee loo soo gaabiyo FAO isla markaasna ay maalgalisay dawladda Norway.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qayb galay Munaasibad Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu ay Hay’adda FAO kagala wareegtay todoba doonyood oo nooca kalluumaysiga ah oo lagu sameeyay dayactir iyo dekedda Kalluumaysiga ee Nec-Fish ayaa waxaa kasoo qayb-galay Saraakiil ka socda Dawladda Norway, Masuuliyiinta Hay’adda FAO ee Somaliland iyo Xirfadlayaal lagu tababaray Jaamacadda Faraca badda ee Berbera, kuwaasi oo iyagu sameeyay Doonyahan Kalluumaysi ee lagu wareejiyay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland.

Saraakiishan ka kala socda Hay’adda FAO iyo dawladda Norway ayaa sharraxay dedaalka isugu jiray tababarka iyo aqoon korodhsiga ay siiyeen shaqaalaha sameeyay doonyahan iyo baahida loo qabo inay Xukuumadda Somaliland ka faa’iidaysato xirfaddooda.

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali ayaa ka mahadceliyay deeqda dawladda Norway ay Somaliland siiso, Waxaanna uu ammaanay wadashaqaynta ka dhaxaysa Hay’adda FAO.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inay Xukumadda cusubi awoodda saari doonto wax soo saarka beeraha iyo Kalluumaysiga waxaanna uu ammaanay dayactirka Nec-Fish-ta Magaalada Berbera iyo doonyahan cusub oo uu ku tilmaamay billow wanaagsan.

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: ocean, sky, outdoor, water and nature

Image may contain: 3 people, ocean, sky and outdoor

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoor

Image may contain: food


Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and suit