Daawo:xukuumada madaxweyne muuse biixi oo tirtiraysa raadadkii ex wasiir maxamuud xaashi ka tagay iyo talaabooyin laf-jab ku ah qaranka oo ay qaadey.

0
Wednesday January 24, 2018 - 13:43:31 in by Burco Office
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:xukuumada madaxweyne muuse biixi oo tirtiraysa raadadkii ex wasiir maxamuud xaashi ka tagay iyo talaabooyin laf-jab ku ah qaranka oo ay qaadey.

    Daawo:xukuumada madaxweyne muuse biixi oo tirtiraysa raadadkii ex wasiir maxamuud xaashi ka tagay iyo talaabooyin laf-jab ku ah qaranka oo ay qaadey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:xukuumada madaxweyne muuse biixi oo tirtiraysa raadadkii ex wasiir maxamuud xaashi ka tagay iyo talaabooyin laf-jab ku ah qaranka oo ay qaadey.
Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa ayaa ka hawlan inay tirtiraan raadadkii uu Maxamuud Xaashi kaga tagay wasaaradihii uu xilka ka qabtay mudadii uu la shaqaynayey madaxweynihii hore Md Axmed Siilaanyo.
 
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo wakhtigii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee uu dibada ka joogay xukuumada Axmed Siilaanyo hagardaamooyin badan ka tirsan jiray wasiiradii awooda badnaa ee uu Maxamuud Xaashi ka mid ahaa ayaa haatan u muuqda inuu ku daba jiro hawlihii ay qabteen wasiiradaasi.
 
 
 
 



 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigii uu soo dhisayey xukuumadiisa waxa uu baabiiyey wasaaradihii duulista iyo madaxtooyada oo uu raadad badan ku lahaa Maxamuud Xaashi, iyada oo wasiirkaas lagu eedayn jiray inuu saamaynta ugu balaadhan ku lahaa wasaaradii duulista oo ahayd mid dakhli badan soo saari jirtay, balse uu haatan madaxweyne Muuse Biixi u badalay hay’add madax banaan, halka uu gabi ahaanba meesha ka saaray wasaaradii madaxtooyada oo uu wasiir Maxamuud Xaashi ka hawl galayey wakhtigii ugu dambeeyey.
 
 
Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inuu tirtirayo raadadkii uu ka tagay wasiir Maxamuud Xaashi ayaa mar kale dhawaan amray in shaqada laga joojiyo shaqaale kor u dhaafaya 100 qof kuwaas oo ka hawl galayey wasaaradii la baabiiyey ee madaxtooyada, iyada oo uu dhamaantood shaqaalaysiiyey wasiirkii hore ee madaxtooyada Md Maxamuud Xashi Cabdi.
 
 
 
Sidoo kale maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo madaarada somaliland oo u muuqda mid fulinaya amarada ka soo baxaya madaxtooyada ee la xidhiidha baabiinta raadadkii uu ka tagay wasiirkii awood badnaa ee Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa amray in shaqada la eryo shaqaale tiradoodu tahay 113 qof oo ka hawl galayey wasaaradii la baabiiyey ee duulista iyo madaarka caasimada Hargeysa, kuwaas oo inta ugu badan uu shaqaalaysiiyey Maxamuud Xaashi Cabdi.
 
 
Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaan ilaa hada cadayn inuu diyaar u yahay wareejinta gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo uu damac wayni kaga jiro Maxamuud Xaashi, kaas oo doonaya inuu mustaqbalka murashax ka noqdo xisbigaasi.
 
 
Talaabooyinka ka soo fulaya madaxtooyada iyo xukuumada ayaa u muuqda qaar ka dhan ah wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa masuulkii ugu awooda badnaa xukuumadii hore ee madaxweyne Axmed Siilaanyo.