daawo: masuuliyiinta maamulka puntland oo ku kala qaybsamay dagaal ay kala horyimaadaan ciidamada qaranka somaliland ee tuko-raq iyo taliye ciidan oo iska casilay.

0
Thursday January 25, 2018 - 15:45:47 in by salman abdi
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    daawo: masuuliyiinta maamulka puntland oo ku kala qaybsamay dagaal ay kala horyimaadaan ciidamada qaranka somaliland ee tuko-raq iyo taliye ciidan oo iska casilay.

    daawo: masuuliyiinta maamulka puntland oo ku kala qaybsamay dagaal ay kala horyimaadaan ciidamada qaranka somaliland ee tuko-raq iyo taliye ciidan oo iska casilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

daawo: masuuliyiinta maamulka puntland oo ku kala qaybsamay dagaal ay kala horyimaadaan ciidamada qaranka somaliland ee tuko-raq iyo taliye ciidan oo iska casilay.
Warar ay baahiyeen Warbaahinta Ka hawlgasha Deegaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa la sheegay inay maamulkaasi si weyn ugu kala qaybsameen islamarkaana ay iskugu khilaafeen inay Ciidamadoodu weerar kala horyimaadaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida hore ee Kulaalaya Caasimada Maamulkaasi ee Garowe,Waxaanay wararku sheegayaan inay arintaasi keentay in madaxda sare ee Maamulkaasi fadhi ay yeesheen ku kala kaceen khilaaf awgii.

Warar xog ogaal ah oo Lagu baahiyay Mareegaha Wararka ee ay maamulaan masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay khilaafkaasi waxaana lagu sheegay in fadhiyo ay maalmihii u dambeeyay ka yeelanayeen Dagaalkii ay ku baanayeen inay ku soo qaadaan Somaliland uu ku soo idlaaday mid aan dhinaca Puntland ka suurtoobi Karin kadib markii ay si weyn iskugu khilaafeen masuuliyiinta ugu saraysa ee Amniga Puntland oo ku kala aragti duwanaaday dagaalka,Waxaana la sheegay inay qaar ka mid ah Masuuliyiinta sare soo bandhigeen inaanay Puntland wakhtigan awoodi Karin inay dagaal gasho marka loo eego dhaqaale ahaan iyo amni ahaan islamarkaana ay ka haboon tahay in qaabab kale lagu mareeyo halka Madaxweyne gaas iyo Masuuliyiin kale ay daba ka riixayeen in itaal meel uu dhigaba aanay ka fursan Karin dagaal lagu soo qaado Ciidamada Somaliland.

 

 

 
 
 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo shirarkaasi Amni ee Masuuliyiinta Puntland maalmihii u dambaysay sida isdaba jooga ah ugu qabanayeen Garowe qayb ka ahaa ayaa la sheegay inuu istiqlaalad u gudbiyay Madaxweyne Gaas islamarkaana Waxa wararkaasi intaasi ku dareen inuu go’aan ku gaadhay inuu iscasilo haddii istiqlaalada laga aqbali waayo,kadib sida la sheegay markii laga hoos qaadi waayay baahiyo deg deg ah oo ay Ciidanku u baahan yihiin oo uu u gudbiyay Gudida Amniga iyo Madaxweyne Gaas,arintaasi oo keentay inuu aad uga biyo diido hanaanka wax loo wado,Waxa kale oo uu isagu ka mid ahaa Masuuliyiinta ka soo horjeeda in wax dagaal ah Puntland wakhtigan gasho isagoo si gaar ah uga waayo waramay Duruufaha Amni iyo Awooda Ciidan ee Puntland maanta haysta.

 
 
 
 
Dhinaca kale Ciidamadii ugu tirada Badnaa ee Qaranka Somaliland ayaa Todobaadadii u dambeeyay ku sugan Jiidaha hore ee Deegaanka Tukoraq Waxaanu Madaxweynaha Somaliland balan qaaday inay Somaliland Wakhtigan Diyaar u tahay inay Xuduudaheeda Sugto,isagoo sheegay inay Ciidanka Qaranka SomalilandTodobaatan Km ujiraan Xuduuda,lagana yaabo inay Hore u sii socdaan,balse qaylo dhaan badan ayaa dhawr jiho Somaliland kaga timida kuwaasi oo lagu dalbanayo in Ciidamo halkaasi lagu hakiyo